Ururka Aqoonyahanka ee Barre Intellectual Group oo casho sharaf usameyey Agaasimaha maamulka iyo shaqaalaha Wasaarada madaxtooyada JSL

0
1316

Ururka Aqoonyahanka ee Barre Intellectual Group oo casho sharaf usameyey Agaasimaha maamulka iyo shaqaalaha Wasaarada madaxtooyada JSL

Hargeysa(Warsugannews)Urur ka Barre Intellectual Group ayaa habeenkii xalay ahaa casho sharaf ay ku maamuusayan Agaasimaha maamulka iyo shaqaalaha madaxtooyada JSL waxay casho sharaf ugu sameeyeen Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeisa, casho sharaftan oo ay kasoo qayb galeen xubnaha ururkan aqoonyaha ah ayaa waxa ujeedada xafladan ka hadalay gudoomiyaha Barre intellectual Group Ahmed Ismacil oo sheegay in ay tahay mid ay ku maamuusayaan Xubin kamid ah oo dhawan loo magacabay xilkaa Agaasimaha maamulka iyo shaqaalaha wasaarada madaxtoodayada JSL‘’waanu kugu ducaynaynaa in ilaahay xilkaa kugu garab galo, masuul da’ yar baad tahay adiga iyo dhalinyarada kale ee xilalka ka haysa in ilaahay garab kiina galo, ururkan barre waa urur ka kooban aqoonyahano jaamacadaha wadanka iyo wadamada jaarka ah wax ku bartay badankooduna waa aqonyahano heer sare ka gaadhay aqoonta ilaa shahaadada labaad ee jaamacada dhamaystay ujeedada ugu wayni ee ay iskugu yimadeena waa dhirigalinta dhalinyarada xaga aqonta iyo horumarinta shaqsiga ah.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Cabdishakuur daa’uud mawel oo kamida aqoonyahanka ku bahoobay ururkan waxaana hadaladiisii kamid ah” caawa oo aynu maamuusayno mid kamida aqoonyahan keena kubahoobay Barre Intelectual group oo xil Agaasime looga magacaabay madaxtooyada Somaliland oo aynu garanayno muhiimadeeda, aadbaan ugu faraxsanahay, farxadaa dabadeed waxaan mahad naq udirayaa wasiirka madaxtooyada JSL oo ah wasiir ku sifaysan dhiiri galinta da’ yarta waxbaratay isagoo masuulkani yahay masuulkii labaad ee ka tirsan Barre group ee uu xil Agaasime u magacaabo isagoo uu ka sii horeeyey Nageeye M. Hassan oo uu hore xilkan oo kale ugu magacaabay wasiirku mahadi haka gaadho dhiirigalintaa aad usamaysay dhalinyarada dedaalkana halkaa kasii wad wanan hubaa in dhalinyaradu wax badan ka badali doonan habsami usocdka hawlaha loo igmaday’’

Ugu dambayn waxa halkaa ka hadlay Agaasimaha maamulka iyo shaqaalaha wasaarada madaxtoyada Somaliland Saacid Cabdi ciise oo aad usoo dhaweeyey xafladan maamuuska ah “ waan idinka mahad celinayaaa maamuuskaa aad I maamuusteen ee sidaa aad ii xusmayseen si lamida Alle haydiin maamuuso, runtii dhalinyaro badan ayaa xilal ka haya dawlada oo joogo meelo badan oo halbawlayaal ah waxaan odhan karaa dhamantood hawlihii loo igmaday intoodi badnayd way kasoo dhalaaleen, waa awood dihin oo ubaahan in laga faa’iidaysto.

xukuumadan hadana waan uga mahad naqayaa dhiiri galintaa ay u sameeyeen dhalinyarada oo ah mid ay amaanteeda leedahay, ugu dambayntii waxaan umahad naqayaa dhamaan xubnaha Barre intellectual group ee xafladan soo qaban qaabiyaay .
Wa-bilaahi Tawfiiq