Xisbiga Waddani oo Maxamed Axmed Xasan Baashe u Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Xisbigaasi

0
444

REF/XIS/WAD/XDH/2352/2016 Taariikh: 15 Sept 2016

KU: Maxamed Axmed Xasan Baashe Berbera
OG: Guddiga Gobolka Saaxil ee Xisbiga WADDANI Berbera
OG: Guddoomiyeyaasha Gobollada Xisbiga WADDANI Rugtooda
OG: Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Taliyaha Qaybta Gobolka Saaxil Berbera
OG: Komishanka Doorashooyinka Qaranka Hargeysa
OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Hargeysa

Ujeeddo: Magacaabis Xil

Markaan darsay: Qodobka 28aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI
Markaan Arkay: Baahida loo qabo in la buuxiyo Xilkan
Markaan la Tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI.
Markaan ku Qancay: Waayo Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay.

Waxa maanta oo taariikhdu tahay 15 Sept 2016 hoggaanka Xisbiga WADDANI go’aamiyeen in Md. Maxamed Axmed Xasan Baashe noqdo Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee Xisbiga WADDANI.

Waxanu Ilaahay kaaga baryeynaa inuu kugu garab-galo gudashada xilkaas laguu igmaday iyo in aad dedaal iyo fikrado wax-ku-ool ah ku soo kordhiso Xisbiga WADDANI.

ALLA MAHAD LEH

_______________________________________
Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

gudd-gobolka-saaxil