Ciidanka Dab-damiska Caasimada Oo Galabta Wacdaro Ka Dhigay Xafladii Furitaanka Wajiga Labaad Ee Koobka Ciyaaraha Gobolada Somaliland

0
842

Ciidanka Dab-damiska Caasimada Oo Galabta Wacdaro Ka Dhigay Xafladii Furitaanka Wajiga Labaad Ee Koobka Ciyaaraha Gobolada Somaliland

Hargeysa(WSN)-Ciidanka Dab-damiska Caasimada Hargeysa ayaa maanta heegan culus ka galay furitaankii wajigii labaad ee Ciyaaraha Kubada Cagta ee Gobolada Somaliland oo galabta si rasmiya uga furmay Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Hargeysa halkaasoo ay Ciidanku kusoo bandhigeen wacdaroCiidanka Dab-damiska Caasimada uu Hogaaminaayey Hogaanka Sarre ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka sida Taliyaha Guud ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka iyo Agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka ayaa Furitaanka Ciyaaraha waxa ay Ciidanka Dab-damisku kusoo bandhigeen heegan aad u culus oo ay ugu diyaar garoobeen hadii wax dab ama masiibo dabiici ahi ka dhacaaan inta Ciyaartu socoto sidii ay ula tacaali lahaayeen
Sidoo kale Ciidanka ayaa sida ka muuqata sawirada hoose waxa ay ku labisnaayeen dharka loogu talogalay bakhtiinta dabka oo ay si bilic wacacn ugu gaashaanaayeen iyagoo sidoo kale watay gaadiidka Dab-damiska ee loogu talogalay bakhtiinta dabkahttps://scontent-cdg2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/
https://fb-s-c-a.akamaihd.net/h-ak-xpt1/v/t1.0-9/
https://scontent-cdg2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/
https://fbcdn-sphotos-g-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xlf1/v/t1.0-9/
https://scontent-cdg2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/

https://fbcdn-sphotos-e-a.akamaihd.net/hphotos-ak-xpa1/v/t1.0-9/
https://scontent-cdg2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/

Maaha markii ugu horaysay ee la arko Ciidanka Dab-damiska Caasimada oo sidan oo kale heegan kaga jira Munaasibad heer Qaran ah ,Taasi oo ay Ciidankan Dab-damisku mudooyinkii u danbeeyey ay caan ku noqdeen inay si weyn uga dhex muuqdaan Goobaha iyo Munaasibadaha noocan oo kale ah