55 Sanno Oo Somaliland Xorriyad Haysatay,5 Sannadood Ee Xukumadda Siilaanyo Xilka Haysay Hantida Gacanta Dawladda Ka Baxday Ayaa Ka Badan Intii 50 Sannadood Ka Baxday,” Cali Guray

0
440

55 Sanno Oo Somaliland Xorriyad Haysatay,5 Sannadood Ee Xukumadda Siilaanyo Xilka Haysay Hantida Gacanta Dawladda Ka Baxday Ayaa Ka Badan Intii 50 Sannadood Ka Baxday,” Cali Guray

Laba masuul oo xukuumadda ka tirsan kana soo jeeda gobolka saaxil ayaa cadeeyay oo la yidhi idinku cadeeya oo u cadeeya shacbiga somaliland gaar ahaan reer saaxil in haamihii kaydka shidaalka la wareejiyay oo lagu wareejiyay cid la doonayay oo aan ahayn sharkad dalka ka jirtay oo laga yaabo inay tahay maryo alool ka kooban shakhsiyaad ka mudan muwaadiniinta kale oo dhan hadii aanay cidda wareejisay iyo cidda lagu wareejiyayba mid keliya ahayn oonay sheekadu noqonayn waa halkii ahn eh xasan sheekh cismaan eh dusha ka sumuni hoosta ka sedex gambo.

Wareejinta haamaha wax tartan ah looma gelin si cad oo furanna wax uma dhicin balse waxay waafaqsan tahay xeerka keliya ee maanta dalka somaliland ka shaqeeya oo cidda wax baan wareejiyay lihi ay ixtiraamto kaas oo sida aynu uga baranay ah

” waxan doonaa waa sharci xataa hadii uu sharci darro yahay, waxaan diidaa waa sharci darro xataa hadii uu sharci yahay, markaa cid loo joojinayaa ma jirto xaalku wuxu marayaa ” waxan anigu doonaa wuu doonan yahay waxan anigu diidaana wuu diidan yahay”

hadii alleh yidhaa ma leh laakiin tii allaa maqan tiisa mooyee tu kalena noqon mayso. somaliland halkaasay maraysaa oo dar allay u gudhay nin jecel iyo nin necebba:

sida ilaahay looga bartay dulmiga ayaa suuli xaquna wuu iman ee ha la sugo mar uun buu daf soo odhan nabsigii diinku soo sidaye.

ahn eh cabdi iidaan faarax waxa laga hayaa shan soomaaliyeedoo mid ah oo calan ku sheekaysta

shimaa la helayaa waa sua’aal sharad ka yaalaa. aniguna waxan ku darayaa somaliland oo qaran jira ah oo caalamku aqoonsan yahay shimaa la arkayaa waa sua’aal sharad ka yaalaa.

ugu dambaystii waxa ogaataan tan iyo lixdankii markii ay somaliland madaxbanaanideeda qaadatay waxa haatan laga joogaa 55 sanadood.

hantida dadwaynaha ee ka baxday gacanta dadwaynaha shantii sanadood ee madaxwayne silanyo uu xilka hayay ayaa ka badan inta ka baxday 50 sanadood oo lix madaxwayne isaga dambaysay min ahn eh aadan cadde ilaa daahir rayaale kaahin. waa konton sanadood iyo shan sanadood! sidaa ayaa mar kale loo ham iyo dig leeyahay hadii doorashoba qabsoonto in kulmiye shan kale oo maxlal ah somaliland sii xukumo

warsugannews

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here