Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka djibouti qaybta ay ku leeyihiin macaaradku MR: Duale Egeh coofle oo buuqasha gaaban ku yimidey Qaarada europa

0
454

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka djibouti qaybta ay ku leeyihiin macaaradku MR: Duale Egeh coofle oo buuqasha gaaban ku yimidey Qaarada europa

Xaldhibaan coofle oo maanta la kulmay taageerayaasha USN ee degan dalka Belgium Gaar ahaan magaalada Brussels wuxuuna uga waramay xaalada uu dalku maraayo,

Xildhibaanku dadkii faraha badnaa ee halkaas iskugu yimidey wuxuu u sheegay in guud ahaan dalkii djibouti uu nabad yahay laakiin ay istaageen wada hadaladii aan kula jirnay xukumada uu hogaamiyo madaxweyne geele bishii may 2015.

Xildhibaan coofle oo hadalkiisa sii watey wuxuu u sheegay shacabkii badnaa ee halkaas yimidey in siyaasadu dalka djibouti ay weli cakirantahay,sabobta oo ah 2 labadii qodub ee ugu muhiimsanaa heshiiskii nadhaxmaray anaga iyo xukumada oo ahaa furfurnaashihii siyaasada iyo gudigii madaxa bananaa ee ilaalada codka shacabka oo ilaa maanta aanay waxba ka hirgalin iyadoo ay ka hadhsantahay mudo ka yar 7 todoba bilood.

Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray oo uu u sheegay umadii u timiday waxaan iniga codsanayaa waxaad tihiin madaxdii beri ee dalkeena horumar gaadhsiinlahaa ee waa inaad isku duubnaataan meelkasta oo aad joogtaan,

Waxaan u baahanahay waa taageeradiina oo waxaad joogtaan wadamad aduunyada ugu horumarsan markaa waa inaad keentaan dalkiina horumarka yaala qaarada europa taageerada aad u haysaan xisbiyada macaaradka ahna waa inaad halkaas aad ka sii wadaan.

Waraysi dhinacyo badan taabanaay oo aan la yeelanay xildhibaan Duale Egeh coofleh oo uu kaga hadlaayo armaha jabuuti ayaan mar dhaw daawan doontaan iyada oo ah vedio.

Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here