Daawo: Wasiir Ku Xigeenka Duulista IYo Hawada Oo Kaashanaya Madax Dhaqameedka Awdal Oo Hawl Galo Lagu Sugayo Xadka Garoonka Fuliyey

0
513

Daawo: Wasiir Ku Xigeenka Duulista IYo Hawada Oo Kaashanaya Madax Dhaqameedka Awdal Oo Hawl Galo Lagu Sugayo Xadka Garoonka Fuliyey
(warsuganews)

Boorame(warsugannews):-Wasiir ku xigeenka Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa kormeer shaqo ku yimid magaalada Boorama, waxana uu maalintii shalayba kulan qado sharaf ah u sameeyay odayaasha dhaqanka ee gobolka Awdal, isaga oo markaasi kala arinsaday sidii iyada oo la iskaashanayo loogu dhaqaaqi lahaa dhinaca wax ka qabashada Garoonka Diyaaradaha ee Boorama.

Is afgarad ito soo dhawayn ka dib ayaa Wasiir ku xigeen Siciid Cabdi Maxamuud oo ay weheliyaan Salaadiinta dhaqanka ee gobolka Awdal ay subaxnimadii saaka soo kormeereen Garoonka Diyaaradaha ee Boorama iyaga oo markaasi


soo indho indheeyay xaaladiisa, cagahana soo saaray xadka uu ka kooban yahay Garoonku.
Wasiir ku xigeenka Md. Siciid Cabdi Maxamuud oo saxaafada la hadlay ayaa u sheegay in ay ka go’an tahay in ay sugaan xadka garoonka diyaaradaha ee Boorama isla markaana uu oday dhaqameedka ka dalbaday in laga shaqeeyo sidii loo sugi lahaa garoonka waxana uu yidhi “ Waxa aan rabnaa in aan garoonka Diyaaradaha ee Boorama wax ka qabano, ka wasaarad ahaan arintaasi way naga go’an tahay, waxana aan meesha ka maqnayn in aan u baahanahay wada shaqaynta qaybaha kala duwan ee bulshada sida salaadiinta, wax garadka, maamulka gobolka iyo kan degmada, waana ujeedadaas mida aan shalayna odayaasha u marti qaaday, maantana aan u tagnay Garoonka, waxa noo qorshaysan in aan sida ugu dhaqso badan xayndaab silig ah ugu samayno garoonka, xayndaabkaas ayaa noqonaya mid suga xadka garoonka, waxana intan xigi doona in aan cagaf galin doono dhabada diyaaradahu ka soo dagaan ama ka haadaan, waxaas oo talaabooyin ahi waxa ay u gogol xaadhi doonaan sidii ay Garoonkan diyaarado u soo fadhiisan lahaayeen ama uga haadi lahaayeen”

Salaadiinta dhaqanka, Maamulka gobolka, kan degamada iyo indheer-garad kale oo iyaguna ku wehelinayay Wasiir ku Xigeenka booqashadan garoonka diyaaradaha ee Boorama lagu tahay ayaa balan qaaday inay la shaqaynayaan Wasaarada, isla markaana guntiga dhiisha isaga dhigi doonaan sidii garoonka xadkiisa loo sugi lahaa, waxana ay u mahad naqeeen Wasiirka wasaarada Duulista iyo Hawda iyo wasiir ku xigeen Siciid Cabdi oo ay ka marag kaceen in mudadii gaabnayd ee uu Wasiir ku xigeenka ahaa uu muujiyay sida ay uga go’an tahay in uu arko Garoonka diyaaradaha ee Boorama oo noqday mid Shaqaynaya.

Maxamed Bili bili
Hadhwanaagnews
Boorama

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here