Cali-guray Oo Sheegay Inay Xukuumaddu Khalad Ka Fahansan Tahay Wareejinta Hantida Um

0
618

Cali-guray Oo Sheegay Inay Xukuumaddu Khalad Ka Fahansan Tahay Wareejinta Hantida Ummadda

Hargeysa(Warsugannews) Cali-guray Oo Sheegay Inay Xukuumaddu Khalad Ka Fahansan Tahay Wareejinta Hantida Ummadda
Guddoomiyaha saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ku dooday in Xukumaddu qalad ka fahantay qodobka 12-aad ee dastuurka oo ku saabsan in xukumaddu masuul ka tahay hantida umadda.

Waxa uu sheegay in xukumaddu u fahantay qodobkaasi in hantida umadda la siin karo cidii la doono, isagoo ku ladhay qiso hore isaga uga soo martay dhisashada dhulka danta guud ah.

Waxay qalad ka fahmeen qodobka 12aad ee odhanaya dawladdu way iibin kartaa kirayn kartaa hibayna kartaa hantida dadwaynaha so sharciga waafaqsan. Waxay ka dhigeen in Madaxwaynuhu Cali-gurey siin karo Madaarka Hargeysa uu u hibayn karo. Dekedda Berbera hebel u hibayn karo Madaarka Berberana heblaayooy habryar iska qaado odhan karo ilayn sharciga ayaa u ogol eh. Taasi waa jaahil nimo.

Aniga oo guri baanku leeyahay qolo jabhada kala wareegay oo dhisanaya ayaa Alleh ha u naxariisto eh waxa igu soo maray adeerkay Cabdillahi Oomaar.

Kolkuu i waraystay uu ogaaday in guriga aan dhisanayo dawladdu leedahay anuun baa garanaya sidii uu u naxay hadal wuxu iigu soo gooyay adeer aan kula taliyo eh aqal dawladeed lacag ha iska gelin boqol sanadoodna ha noqoto eh kaaga hadhimayso wax dawlad ka lumaana ma jiro goor ay noqotoba waa lagaaga daba imane ku aad leedahay waxad kan iska gelinayso ku bilaw wixii la bilaabaa wuu dhamaadaaye waayo lacagta aad kan iska gelinaysaa waa BAD INVESTMENT af ingiriisi ayuu igu yidhi intaa. Bal ogow hadal kaasi dubuq buu i yidhi ugu dambaystiina waan qaatay waanadii adeerkay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here