Hashu Maankayga Gaddaye Ma Masaar Bay Liqday: Haamaha Shiidaalka Berbera
Mushkiladdu waxa aan u malaynayaa in aanay ahayn in haamaha ganacsato
madaxbannaan lagu wareejiyo ee waa sida loogu wareejinayo iyo kuwa lagu
wareejinayaa waxa ay ku mutaysteen.
Xukuumadda Axmed Siilaanyo marka waxqabadkeeda halkaas la dhigo, waxa
ay ku caan baxday wax ay xukuumadihii ka horreeyey la wadaagto oo ah
musuqmaasuq iyo eex ku salaysan qaraabokiil iyo naasnuujin hantida
ummadda ku aaddan oo la siiyo cid aan sifo sharci ah ku mutaysan. Sababta ay
caanka falalkaas xun ugu noqonaysaa waa laba: Hantida qaranka soo gashay oo
ka badan intii hore iyo boobka oo la batay, waxa soo raacaya oo labeeya
maamul xumaan oodaha jabsatay oo ka soo jeedda hoggaanka sare ee
waddanka ama karti darro ha ku keento ama daruufo kale ba ha jiraane.
Taas waxa si togan uga faa’iidaystay dad aan xilkas ahayn oo awood helay ama
wax ku yeeshay awoodda maamul, waxa na sii badhitaaray mas’uuliyad
darrada inta badan ee ku aaddan dhaqanka foosha xun ee ku salaysan “qaatay
ee adba qaado ama isba qaadey ee amba maan qaato”!
Waxa aan been ahayn oo la hubiyey in ay xukuumadda ka mid yihiin
mas’uuliyiin guryo kiro ah Hargeysa kaga jiray maalintii ay xilka qabteen oo
maantana leh bangalooyin waa weyn oo boqollaal kun oo Dollar ku kacay,
guryo kale oo dhaadheerna dhiskoodu u socdaan. Ma lahayn wax hanti ah oo
meel u taallay ama xoolo nool oo u foofa oo u diiwaan gashan. Dhaxal waalid
oo ay heleen na lama oga, oo ma aanay sheegin. Ganacsi u socda oo ay ka
faa’iideen ama saamiyo ay iibiyeenna lama hayo, ma ay soo bandhigin.
Mushahaaradoodu guri uma dhisi karto, oo waa la wada og yahay. Dadku taas
bay arkaan oo aan si daah-furan oo banyaal ah wax ba looga ogayn,
xukuumadduna aanay wax ka qaban. Waxa ay inta badani u haystaa in
nimankaasi hantidii ummadda awoodda dawladeed ku dhaceen, ku boobeen
oo ku mutaysteen yeelasho hanti aanay xaq u lahayn.
Waxa jira wasiir dhoofiyey kontaynar macdan ah oo markii la ogaaday (shacab)
ee caddaymihii la horkeenay ee wax laga waydiiyey ku jawaabay “waxa uu
ahaa muunad (Sample) oo ganacsi ma ahayn. Hadda waa kumannaan kiiloo oo
dhagax macdaneed ah waxa uu muunadda (sample) inoogu sheegayaa!
Muunaddu waa wax yar oo dhawr kiiloo ku siman (3 – 5 KG) oo la soo
tijaabinayo waxa ay yihiin ee ma aha rar culayskiisu dhan yahay 30 Ton iwm!!
Waxa jira oo aan been ahayn xildhibaanno la siiyey qandaraasyo aan cidi u
tartamin oo dhawr malyan oo dollar jooga ama lagu lunsado.
Dadku duunyo ma aha ee waxaas oo dhan iyo boqollaal kale oo la mid ah oo
wada fadeexado ah waa u shaahid, inna waa u sheeko.
Mushkiladda meesha taallaa waa taas. Waxa kala aamin baxay dadkii iyo
dawladdii. Arrintii baadhitaanka shiidaalka ee Saraar baa tusaale fiican oo kale
ah. Kalsoonidii shacabku way dhimatay oo waa la dilay. Nin bayr leh oo tuug
wax qarsanaya ah ayaa dawladnimadii iyo shacabkii kala diley.
Dawladdiina waxa ay gabtay oo ku guuldarraysatay in dadka sida caddaaladda
ugu dhow ugu kala qaybiso ilaha dhaqaale ee yar oo ay xaqsoor fiican samayso,
iyada oo adeegsanaysa isirrada maamul wanaagga ee daahfurnaanta iyo
banyaalnimada, isla xisaabtanka iyo u qoollaanta mas’uuliyadda cid kastaa ba
gacanta ku hayso. Waa la samayn karaa sidaas, waa se haddii la doonayo.
Waddanka waxaasi ka dhacayaan ma jiro mas’uul lagu soo eedaayaa in uu ku
kacay musuq, xatooyo qaran iyo qaraabo-kiil iwm!!
Haamaha Shiidaalka Berberana waa qaabaddaas! Gacan-togaalayntaas iyo
daah-furnaan la’aantaas baa keenaysa muranka iyo diidmada qayaxan ee
shacabku dhabarka ugu jeedinayo.
Shacabka Berbera (Saaxil) waa halka ugu horraysa ee laga fili karo gilgilashada
ugu horraysa sidii shacabka Saraareed ba ku kaceen markii dhulkii xooluhu u
daaqayeen cagafta la geliyey iyada oo aan talo wax iyaga lagaga waydiinayo la
la wadaagin, la na wacyi gelin.
Meel kasta marka wax laga samaynayo waa in laga talo geliyaa dadka ku nool.
Dadka waxaas la samaanayaa saamyanta ku yeelan doonaan xag degaan,
dhaqaale iyo bulsheed ba arrintu way khusaysaa, haddii la iska dhego-maro na
waxa ay noqon oday ka sheekee uun.
Hase yeeshee nin wax qarsanayaa cid uma sheego sirtiisa oo kala ma tashado,
waa in uu isku dayaa in uu la hunbaalleeyo oo la dhuunto, haddii lagu ogaada
na uu had ba doc isku qaadaa oo daasado madhan garaacaa. Maxaa Sheekh
hadda ciidamada laga la doonayaa ma cadow baa soo galay, mise wax kalaa ka
soo naaso caddaaday.
Maxaa colka geliyey golihii barlamaanka oo hoggaankiisii luqunta isugu maray
oo feedka iyo hooyo cayga ku jirrabey?! Maxaa mooshin la laalay kolba dabada
ka soo riixaya oo golaha ku soo celinaya laba toddobaad gudahood?! Maxaa
qofkii hadlaba raacdadu u raad guraysaa oo loogu hanjabayaa ama xabsiga loo
dhigayaa?!
Waxan oo dhan waxa lagu dambabasaayaa basar xumada loo maamulayo
wareejinta Haamaha Shiidaalka Berbera oo raacaysa jidkii maamul xumada
xukuumadda Axmed Siilaanyo, tallaabooyinkii boobka ka gaadhsiiska ah ee
hantida ummadda ka dhaxaysa iyo sida aan daah-furnaanta lahayn ee
daboolan ee loo maro bixinta qandaraasyada iyo wareejinta hantida guud ee
qaranka ee Haamuhu ka mid yihiin.
Habeen dhowayd baan ka dhegaystay maareeyaha Haamaha oo HCTV ka leh
“Aingaa maamula Haamaha Shiidaalka. Waan wareejinaynaa”! Waa
garashadaas jaan iyo maankaas qurracan waxa wax murginayaa. Haddii uu
maamulo Haamaha ayaa awoodda u siiyey wareejintooda ma macdaar uu
isagu leeyahay baa?! Wasiirrada ayaa qaabaddaas u dhaqmaya. Mas’uul kastaa
waxa ay la tahay badiba in meeshu uu joogo isagu leeyahay, waayo cid baan
kula xisaabtamayn waxa uu bi’iyo, isna taas uma qoolla oo wuu og yahay.
Marka ay sidaas oo kale dhacdo ee dawladdu dadka u kala xaqsoori kari
waydo. Marka maamulkeedu daah-furnaan waayo, ee wax waliba muhmal iyo
madmadow miidhan noqdaan. Marka dalba-juuqaheedu bataan ee la
xisaabtan la waayo. Marka madaxdu waxa ay doonto ku tallaabsan karto, ee
xilkasnimo god dheer iyo dalluun lagu tuuro. Marka ay noqoto “qaatay ee
qaado, oo afka buuxso, afkaagana hayso! Marka qofkii taas ku baraaruga ee
damqada ee ka daaya yidhaahda loo cagajugleeyo ama xabsiga la dhigo, waxa
ka dhasha cuyuban kale iyo lama maleeyaan, waa na isirro ifafaaleyaal u ah
kicitaanno iyo gilgilashooyin dadweyne, oo wax kasta Iyana dhali kara tabnaan
iyo tognaan ba.
Haddii muddarrooyinkaasi sii socdaan waxa ka dhashaa waa iska horimaad la
isku badheedho oo xaq iyo xaqdarradu ku kala quusqaadayaan.
Waxa uun habboon in la iska jiro oo laga digtoonaado tabaha ay cuskadaan
kuwa wax dulmiyaa oo ah kala ilaalinta xoogagga dadwene iyo kala qaybinta
midnimada quluubtooda, si ay u kala fogeeyaan oo ay dulmaneyaasha
dhibbabaha ah ka yeelaan “La haystayaal is haysta”, cududdoodana isku
jebiyaan oo ka dhex faashleeyaan.
Waxa ay galagalaystaan goldaloolada shacabka iyo goljilicdiisa. Innaga teennu,
halka aynu u jilicsananay ee la inaga abbaaraa, waa qabiilka iyo qabyaaladda.
Kooxaha dawladdu waa isku qolo, inteenna kale na isku qolo ayaynu nahay.
Haddii aynu fahamkaas qaadanno oo ku hawl geli lahayn waynu ka adkaan
lahayn iyaga oo ama waynu iska ridi lahayn ama waxa ay ku socon lahaayeen
sharciga oo aynu ku ilaalin lahayn, qarankuna wuu inoo nabad geli lahaa, wax
se ay ku cimri dheeraystaan xukunnada maamulka xumi kala daadsanaanta
garashada dadka iyo kala qaybsanaanta cududdooda.
“Isxaaqda maan diidin ee Xaaqdaan diiday”! Wareejinta Haamaha lama diidin
ee sida loo wareejinayaa la diiddan yahay! Mushkiladdu waa intaas. Waa in la
diidaa inta si daah-furan loo la imanayo qorshe wareejineed oo banyaal ah oo
sida muraayadda cid waliba isaga dhex arki karto, haddii kale oo aanay taas
xukuumaddu kari karin, ummadda hantideeda iyadu gacanta ha ku hayso inta
loogu imanayo ee dawlad kale kala wareegayso ha ku sinto. Lama waayin hanti
lagu dayac-tiro iyo tu lagu hagaajiyo ba oo dalku maanta maalin uu ka dakhli
badan yahay inama soo marin, haddii loo meel iyo miidaan deyayo.
Tuugow mareegaale!
Adduun Caaryaale!
Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
facebook.com/baadisooc