Wasiiro uu hogaaminaayo wasiir Cali Waran cade oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Berbera

0
403

Wasiiro uu hogaaminaayo wasiir Cali Waran cade oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Berbera

Berbera(warsugannews) Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, wasiirka ganacsiga Dr Muuse Qaasim, wasiir kuxigeenka warshadaha iyo wasiir kuxigeenka xannaanada xoolaha oo maalmihii u dambeeyay magaalada Berbera u joogay dejinta shaqaaqo ka dhalatay dareenka bulshadu ka qabto wareejinta haamaha Shidaalka ayaa shir jaraa’id oo ay Berbera ku qabteen ku sheegay in arrimahaasi si fiican loo soo afjaray.

Taniyo markii xukumaddu bilawday qorshaha shirkaddah shidaalka soo dejiya loogu wareejinayo haamaha shidaalka Berbera waxaa magaalada Berbera laga dareemayay sida bulshadu uga soo horjeedo waxaana xabsiga la dhigay wariyeyaal iyo odayaal, waxaana la xasuustaa sidii wasiir xigeennada warshadaha iyo xannaanada xoolaha loogu foodhyay Salaadii ciidal Adxa, iyadoo sidoo kalena degaanka Sheekh koox arrintaasi ka dhacaysani hub la gashay.

“ Hawshii dhinaca ammaanka eenu u nimid iyo af garan waagii yaraa ee gobolka ka dhacay , Illaahay ayaan uga mahadcelinaynaa sida wanaagsan ee ay noogu dhammaatay, mar labaad ka waxaan u mahadcelinaynaa odayaashii, salaadiintii, cuqaashii, iyo waxgaradkii sida quruxda badan arrintaas noogala shaqeeyay, dhalinyaradii cadhootay sidii ay u qanciyeen. Arrintiina meel wanaagsan oo qiimo badan ayay ku soo noqotay. Waa dhaqanka ay bulshada Somaliland ku dhaanto bulshada inteeda kale inaynu wax walba ku xallino is qancin iyo wada hadal iyo inaynu arrinta xagga wanaagsan ka eegno,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warshadaha Somaliland ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu sheegay in dhalinyaradii ka cadhootay wareejinta Haamaha arrintooda la xaliyay “Arrinku aad umuu balaadhnayn laakiin, niman dhalinyaro ah oo xogaa wax yara tabanayay oo meel leexsan oo wadada ah joogay arrintoodu way soo gabogabowday, si qurux badan leh oo afgarad leh oo odayaashu gacan nagu siiyeen,” ayuu yidhi wasiir xigeenku

Wasiir kuxigeenka wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland ayaa isna sheegay in arrinta dhinaca ammaanka ah ee soo afjarantay ay uga mahadcelinayaan waxgaradka iyo odayaasha Saaxil iyo sidoo kale madaxda heer gobol ee Saaxil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here