Kuxigeenka Duqa Caasimadda Hargeysa Oo lagu maamuusay casho sharaf ay soo qaban-Qaabiyeen Dhallinayrada Table 7 London + Sawirro

0
369

Kuxigeenka Duqa Caasimadda Hargeysa Oo lagu maamuusay casho sharaf ay soo qaban-Qaabiyeen Dhallinayrada Table 7 London + Sawirro

London(Warsugannews) Waxa habeenkii xalayto ka dhacday Hotel Nomad ee Galbeedka magaaladda London Casho sharaf lagu casumay Kuxigeenka Duqa magaaladda Hargaysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) oo ay soo dhoweeyeen dhallinyarada ku bohoobay Table 7 oo fadhigeedu yahay magaalada London kana shaqeeya arrimaha caawinta dadka Tabaalaysan ee ku nool Somaliland.

Kulanka Casho sharaftaa waxa kasoo qayb galay dadkale oo marti sharaf ahaa oo ururka kusoo biiray aadna uga helay sida ay wax u wadaan iyo hiigsiga wax qabadka ee socda. Kulanka oo intii aan hadalka lagu soo dhaweyn Mudane CabdicasiisMaxamed Xaashi (Cagaweyne) ay sharaxaad ka bixiyeen waxa ururka loo aasaasay iyo waxwaalaha ay doonayaan inay hiigsadaan. Waxa isna ugu danbeyntii ka hadlay Maayor kuxigeenka Casimadda Somaliland ee Hargaysa Mudane CabdicasiisMaxamed Xaashi (Cagaweyne) oo ku dheeraaday ujeedada uu u yimid dalka Ingriiska,Mahadnaq casho sharafta lagu qaabilay iyo arimo badan oo ku saabsan caasimadda Somaliland iyo horumarka ay ku talaabsatay intii ay maamulka gacanta ku hayeen.

1

2

3

4

5

unnamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here