Wakiilka Dalka Denmark U Jooga Somaliland Oo Ka Hadlay Shirkii Xisbiga KULMIYE Qabsaday

0
690

Wakiilka Dalka Denmark U Jooga Somaliland Oo Ka Hadlay Shirkii Xisbiga KULMIYE Qabsaday.

Hargeysa(Warsugannews)-Madaxa xafiiska Denmark u qaabilsan Somaliland, ayaa ka hadlay shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne xigeen ugu doorteen Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici, taasi oo uu ku tilmaamay mid muhiimad u leh hanaanka doorashooyinka la filayo.

Madaxa hay’adda horumarinta caalamiga ah( Danish International development Agency, “DANIDA”) ee dawladda Denmark u qaabilsan xafiiskeeda Hargeysa, Mr micheal Thyge Poulsen, ayaa sheegay in dhammaadka shirkii Kulmiye iyo doorashada musharaxiinta madaxweyne iyo kuxigeen ay muhiimad gaar ah u leedahay doorashooyinka Somaliland.

micheal Thyge Poulsen, oo goob joog ka ahaa furitaanka shirkii Kulmiye Salaasadii ayaa bogaadiyay doorashadii musharaxiinta “Waxaan hambalyaynayaa shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ku doorteen musharaxa madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka u tartamaya doorashada madaxtooyada ee la qoodneeyay inay qabsoonto bisha March ee sanadka 2017-ka,” ayuu yidhi madaxa DANIDA oo wargeyska Jamhuuriya u waramay.

micheal Thyge Poulsen, wuxuu sheegay in doorashada musharaxiintu dar-dargalin doonto u diyaar garowga doorashada 2016-ka, waxaanu yidhi “ Doorashadii maalintii Salaasadu waxay ahayd dhacdo muhiimadeeda leh, taas macnaheedu waxa weeye xisbiga Kulmiye iyo xukumaddiisu imika kadib waxay diiradda saarayaan ama isha ku hayn doonaan u diyaar garowga doorashada madaxtooyada iyo wakiillada, taas oo aanu ku rajo weynahay in ay dhici doonto 27, March, 2016.”
Sidoo kale waxa uu ka hadlay qalabka diwaangalinta codbixiyeyaasha oo dalka soo gaadhay “Waxa kale oo horumar aad u muhiima ah inay Salaasadii yimaadeen qalabkii diwaangalinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, kuwaas oo waliba laga keenay waddanka Denmark,” ayuu yidhi micheal Thyge Poulsen.

Hay’adda DANIDA oo la shaqaysa wasaaradda arrimaha dibadda Denmark, una qaabilsan horumarinta iyo garaarka caalamiga ah ayaa xafiiskeeda Hargeysa furatay sanadkii 2012-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here