Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Ka Hadlay Doorashadii KULMIYE Ku Soo Xulay Musharrixiinta Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenkiisa

0
588

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Ka Hadlay Doorashadii KULMIYE Ku Soo Xulay Musharrixiinta Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenkiisa

Hargeysa(Warsugannews) Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Ka Hadlay Doorashadii KULMIYE Ku Soo Xulay Musharrixiinta Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenkiisa
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland ee Qurbaha ku nool, ayaa ka Hadlay Sida uu u arko Doorashadii dhawaan Xisbiga Kulmiye kusoo xuleen Musharrixiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Xisbigaas iyo Waliba Khilaafka keenay inay Xubno muhiim ahaa wali dibadda ku maqan yihiin.

Axmed Ismaaciil Samatar oo idaacadda BBC-da u warramay, ayaa sheegay in Khilaafka Xisbiga Kulmiye ku jiraa yahay Boog iyo nabarro Burbur horseedi kara.

“Haddii ay doorasho dhacdo noocii ay doontaba ha noqotee iyadoo dagaal, cay iyo is-xagasho iyo foolxumo badani aanay dhicin kollayba waa wax khayr ah oo dimuqraaddiyada iyo dagaalku waa kala fog yihiin, markaad Bilowga eegto waa wax wanaagsan in inta afka laga doodo dabadeedna cod la qaado oo lagu kala baxo sidaas, laakiin sida wararku igu soo gaadhayaan dheecaan badan baa ka horreeya. Labadaas qof ee la doortayna in la hambalyeeyo waa halkeeda, laakiin dheecaanka iyo qoomaha ka hooseeyaa inay naafo keenaan baa suurtogeli karta.” Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Prof. Samatar waxa uu ka Hadlay waajibka madaxweynaha Somaliland saaran, waxana uu sheegay in baahi loo qabo inuu Wax badan ka fikiro, waxana uu yidhi.

“Madaxweynaha dalku inuu garto inuu umaddoo dhan madax u yahay oo aanu xisbi uun ku koobnayn oo xisbi maamulkiisa iyo waddada la marinayaa ay noqoto mid had iyo jeer lagu xidho laba su’aalood oo mar walba Somaliland horyaalla oo kala ah waddanka maxaa u dan ah. Halkuuse taagan yahay waddani oo yaa halkan ka qaadi kara oo meel ka wanaagsan geyn kara oo hoggaanka qaban kara?”.

Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu sheegay inay isku milanka Xisbiga iyo Dawladdu ay halis badan ku keeni karto qaranka,

“Danta xisbiga dan waddan baa ka weyn, taasina waxa ay dhalinaysaa in xisbiga iyo dawlada la kala saaraa waa muhiim oo Dawladdu xisbi haka soo baxdo, laakiin Dawladdu waa mid waddanka oo dhami wada leeyahay, inay Dawladda iyo xisbigu aad iskugu shushubtaan oo xisbigii iyo dawladdii la kala garan waayaan khatar bay leedahay.” Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Mar uu Axmed Ismaaciil Samatar Ka Hadlayey Garabka Xisbiga wali dibadda kaga maqan, ayaa wxa uu yidhi,

“Hadii Xisbigii qaadacaadaasi ku timid oo dad magac leh oo maamuus leh oo xisbiga Maroodiyaashiisa ahi ka baxaan waxay keenaysaa warwar weyn oo Xisbigii inuu Hoosta ka dhaawacan yahay ayey markhaati ka tahay. Markaa Kulmiye inuu halkaas ku dheeliyo oo uu kala daato ama uu burburoba baa dhici karta.”

Dhinaca kale waxa uu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ka Hadlay Cudurro dilaa ah oo Somaliland si weyn u wiiqay, kuwaas oo gaadhay heer Somaliland lagu xanto,

“Marka Somaliland la faallaynayo waxa la yidhaahdaa Labada amuurood ee Somaliland yaalla waa qabyaalad iyo waan go’nay, aniguse waxan jecelahay in taas laga baxo oo la koro. Arrinta qabiilkuna Somaliland faro xun bay ku haysaa, laakiin waa in laba la kala saaraa kuwaas oo kala ah Dadka dhallinyarada ah ee wax baratay iyo inta Siyaasadda ka shaqaysata ee Hargeysa iyo Magaalooyinka waaweyn ku qayila.” Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here