Afhayeenka Guurtida Oo Bogaadiyay Go’aankii Wasiir Xaglo-toosiye Ku Qaabilay Natiijada Doorashadii Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka KULMIYE

0
341

Afhayeenka Guurtida Oo Bogaadiyay Go’aankii Wasiir Xaglo-toosiye Ku Qaabilay Natiijada Doorashadii Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka KULMIYE

Hargeysa(Warsugannews) Afhayeenka Guurtida Oo Bogaadiyay Go’aankii Wasiir Xaglo-toosiye Ku Qaabilay Natiijada Doorashadii Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka KULMIYE
Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo katirsan Mudanayaasha Aqalka Guurtida horena u ahaa Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, ayaa si weyn u hambalyeeyey Go’aankii Geesinimada lahaa ee Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (xaglo-toosiye) ku qaabilay Natiijada Doorashada Musharraxa Jagada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka oo uu ka mid ah xubnihii ku tartamay.

Cabdiqaadir Indho-indho waxa uu sidoo kale Hambalyo iyo bogaadin ballaadhan u diray Musharrixiinta ku Guulaystay Doorashadii Golaha Dhexe ku doorteen Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Xisbigaasi uga qaybgeli doona Doorashooyinka Madaxtinimo ee Dalka ka qorshaysan Sanadda 2017-ka. Ugu horrayn Xildhibaanku waxa uu si weyn u bogaadiyey Garowshiiyo uu madaxweyne Siilaanyo ka Bixiyey Soo Jeedimo Wasiir Xaglo-toosiye ka muujiyey Hab-doorasheedka Xisbiga Kulmiye,

“Waxa aan si weyn u hambalyeynayaa Sida Xilkasnimada leh ee Madaxweynuhu Garawshiyaha ugu bixiyey Soo jeedimihii wasiir Xaglo-toosiye ee ku saabsanaa Hannaanka Doorasho ee Xisbiga Kulmiye iyo waliba sidii uu u qiray Geesinimadiisa iyo Hal-karaannimadiisa, waana tallaabo madaxweynaha lagu yaqaanno.” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa bogaadin ballaadhan u diray xubnihii Golaha dhexe ee Codkooda siiyey Wasiir Xaglo-toosiye, waxana uu si cilmiyeysan u macneeyey Tirada Codadkii uu musharraxaasi helay, waxana uu yidhi,

“114-kii Xubnood ee u codeeyey Wasiir Xaglo-toosiye waa Xubnihii ugu miisaanka cuslaa Golaha, Hambalyo-na way leeyihiin, waxana uu numberkaasi ka turjumayaa 114-ka Suuradood qur’aanka Khudbaddii xaglo-toosiye-na waanu hambalyeynaynayaa”.

Indho-indho waxa uu soo jeediyey in tixgelin gaar ah la siiyo, isla-markaana il gaar ah lagu eego Cabashadii wasiir Xaglo-toosiye,

“Xisbiga iyo Madaxweynaha waxanu ka rajaynaynaa inay tixgelin siin Doonaan Cabashadii kasoo yeedhay Wasiir Xaglo-toosiye.” Ayuu yidhi Indho-indho.

Xildhibaanku waxa uu si qoto dheer uga Hadlay Ragganimo iyo xeeldheeri siyaasadeed oo ku jirta Wasiirka Caafimaadka oo Cod lama filaan ah ka helay Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kaas oo xildhibaanka laftiisu dhawaan u tanaasulay,

“Wasiir Xaglo-toosiye Waa Geesi sida cadceedda u ifaya oo mustaqbal siyaasadeed oo yididiilo ku dheehan tahay leh, hankiisana mar uun buu gaadhi doonaa. tanaasulkaygiina waxa uu salka ku hayey Geesinimada aan ku ogaa.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.

Ugu Dambayntii waxa uu Xildhibaan Indho-indho hambalyo ballaadhan u diray Musharrixiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Dhawaan la doortay iyo Waliba Xubnihii Doorashadaas Sameeyey, waxana uu yidhi,

“Waxa aanHambalyeynaa Labada xubnood ee loo doortay Musharraxa Xisbiga ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa iyo Xubnaha Golaha dhexe ee codeeyey, Doorashaduna inay si xalaal ah u dhacday waxa marag ka ahaa qiraalkii Xaglo-toosiye oo tartamayey muujiyey.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here