Baarlamaanka Netherland oo Su’aalo aan Jawaabahoodii helin weydiiyey Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro

0
434

Baarlamaanka Netherland oo Su’aalo aan Jawaabahoodii helin weydiiyey Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro

Amsterdam(Warsugannews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa wax laga weydiiyey qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland Xaaladda Siyaasadeed iyo Ammaanka ee dalka.

Cabdiraxmaan-Cirro oo socdaal ku tegay dalka Netherland, ayaa kulan ka yeeshay Afhayeenka Baarlamaanka dalka iyo Guddiyada joogtada ah ee arrimaha dibedda, Gaashaandhigga iyo horumarka, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey Mareegta Baarlamaanka Netherland, sida lagu baahiyey Wargeyska Himilo ee ka soo baxa magaalada Hargeysa Caddadkiisii Maanta oo aannu ka soo xigannay Warkan.

Kulanka oo la sheegay in lagaga hadlay qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland, xaaladda Ammaanka iyo Siyaasadda dalka, ayaa sidoo kale la sheegay in Xildhibaannadu su’aalo kala duwan weydiyeen, ka mid yihiin arrimaha Tahriibka iyo qaabka loo horumarin karo dhaqaalaha Somaliland.

Inkastoo aan qoraalkan laga baahiyey Booqashada Md. Cirro ee Baarlamaanka Netherland aan faahfaahin dheeraad ah lagaga bixin iyo jawaabaha su’aalahii la weydiiyey, ayaa dhinaca kale Wargeyska Himilo oo isku-deyey inuu faahfaahin dheeraad ah.

Dhinaciisa ka bixiyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cirro, waxay ku saabsanaayeen su’aalahii lagu weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey ku helin khadka Telefoonka, ka dib markii la qaban waayey, isla markaana farriimo aan u dirnay laga soo jawaabi waayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here