Wararka Maanta ee Wargeyska Warsugan iyo Cadadkii 39-AAD

0
405

Bulshada Somaliland Oo Xukumadda Ugu Baaqday In Wax Laga Qabto Sixir Bararka Maciishada

 

Bulshada Somaliland Oo Walaac Xooggan Ka Muujiyay Ganacsatada Oo Wali Maciishada Ku Iibinaysa Qiimihii Hore Ee Doolarka

Hargeysa(Warsugan) Qaylo dhaan ku aadan sixir bararka ayaa ka soo yeedhaysa bulshada Somaliland ee ku kala nool gobollada Somaliland, iyagoo xukumadda ugu baaqaya in la isku miisaamo hoos u dhaca doolarka iyo maciishada. Bulshada ayaa walaac xooggan ka muujinaysa qiimaha halka doolar oo horay u ahaa ilaa 8 kun shilin, haddase ku hoos ugu dhacay 6 kun oo shilin, balse ganacsatadu wali wax ku iibinayso qiimihii hore ee ahaa 8 kun. Bulshada ayaa sheegaysa in lacagtii doolarka ahaa waxba u gayn la’dahay maadaama shaygii hore u taagnaa hal doolar, hadda qofka wax laga iibinayo la odhanayo baaqi ku soo dar.

Hargeysa

Qaar ka mid ah bulshada ku nool magaalada Hargeysa oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay ku farxeen doolarka xukumaddu jabisay, hase ahaatee ay soo wajahday caqabad kale oo ah in maciishadu halkeeda taagnaato islamarkaana lacagtii waxba u goyn wayday “Doolarka la jabiyay aad iyo aad baanu ugu faraxnay laakiin, waxaanu rabnaa in dawladdu ganacsatada iyo bakhaarada wax u sheegto oo tidhaa maciishada iyo doolarka ha la isku miisaamo oo sidaas dadka wax ha uga soo wada noqdaan, si xoolaha iyo doolarka la isugu miisaamo haddiise bakhaaradu halkoodii maciishada ku hayaan ma wanaagsana,” ayay tidhi hooyo la hadlaysay saxaafadda.

“Nafarkii bariiska ahaa ayaa nagu tagay hal doolar, sarrifkiina wuxuu marayaa lix kun, waxaanu doonaynaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland inuu sarrifka iyo maciishada isku eego, anagu waxaanu ka shaqaysanaa baabuurta, markaa dan yar baanu nahay waxaanan qaadi karrin inaanu maciishada ku cunno maaha, waayo maalintii inaanu hal gaadhi maydhno ayaa laga yaabaa…Ganacsatadu waxay noqotay ma gafeyaal danyarta dhiba, markaa waxaanu leenahay shacabkiina u tudha,” ayaa ka mid ahaa dareenka bulshada eek u aadan maciishada iyo sarrifka is waafaqi waayay.

Ceerigaabo

Qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sool ayaa walaac xooggan oo ay ka qabaan qawtal daruuriga iyo alaabooyinka kale ee wali qaaliga ah waxay soo mariyeen saxaafadda “Anagoo ah dadka aadka u liita, waxaanu leenahay shacabkii way bakhtiyeen, dawladdu waxay u fiirsatay doolarka inay jabiso, raashinkiina waa sixir barar, markaa waxaan leeyahay dawladdu ha u fiirsato raashinka sixir bararka ah,” ayay tidhi hooyo khudaarta ku iibisa magaalada Ceerigaabo.

“Dawladdu doolarkii way jabisay oo way ku mahadsan tahay laakiin, shaygii hal doolar lagaa siin jiray, marka aad hadda hal doolar dirto waxaa lagu odhanayaa laba kun ku soo darso, markaa shaygii sideed kun(8000 Sh Sl) ayuu ku hadhay, doolarkiina wuxuu tagay 6 kun, markaa dadkii waxaaba loo qaatay 8-dii kun oo halka doolar waxbaba kumay darayn,” ayuu yidhi qof ka mid ah bulshada reer Ceerigaabo.

Boorama

Bulshada ku nool magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal,  ayaa saxaafadda u sheegay inay ku jaahwareereen qiimaha doolarka ee hoos u dhacay iyo miciishada halkeedii taagan ama kor uga kacday, iyagoo soo bandhigay walaacooda ku aaddan kala duwanaanshaha labada dhinac.

“Maalmahan doolarkii wuu dhacay baanu haynaa, maciishaddii la cunayayna sare ayay u socotaa oo way sii sixir bararaysaa, markaa meesha wax ka si yihiin garan mayno ee dawladdu xagga doolarka waa ta u leexataye bal xagga qiimaha maciishadana ha u leexato,” ayaa ka mid ahaa walaaca bulshada.

Dadweynahan ayaa ku dooday in ganacsatadu mar walba ku foogan tahay macaashka, sidaasi darteedna dawladda looga fadhiyo kala haggidda bulshada iyo ganacsatada “ Halkii doolar lix kun oo shillin ayuu noqday, hooyadii laba dollar qaadanaysay waxba ma iibsan karto. Wax waliba halkiisii ayuu ka sii qaaliyoobay, sonkortii way kacday, raashinkii wuu qaaliyoobay. Doolarkii markuu jabay haddana maciishaddii ayaa dalacantay, dawladdu kubad bay ciyaaraysaa, ganacsataduna kubad bay ciyaaraysaa, markaa shacabka uun baa ku dhex dhimanaya meesha,” ayaa ka mid ahaa hadalada bulshadu ku cabireen dareenkooda.

Caynaba:

Bulshada ku nool magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar, ayaa iyaguna saxaafadda uga waramay siday u saamaysay xaaladda kala guurka ah ee doolarka iyo maciishada “Dadkii dan yarta ahaa oo markii xukumaddu hoos u dhigtay doolarka, haddana xagii kale sixir barar lagaga kordhiyay oo aanay dhibaatadii ka degen. Madaxweynaha, baarlamaanka, golaha wasiirada iyo waxgaradka waxaan ka codsanaynaa inay arrimahaas wax ka qabtaan oo noo soo dadaalaan,” ayaa ka mid ahaa hadalka bulshada Caynaba.

“Waxaanu dawladda u sheegaynaa in markii la jabiyay Doolarkii, ganacsatadii iyo dadkii wax iibinayay ee baayacmushtarka ahaa ay dhan kale uga wareegeen oo dadkii ku qaaliyeeyeen wixii ay iibinayeen, waxaanu dawladda leenahay sidii ay markii horeba ugu fikireen doolarka, tana ha ugu fikireen oo wax ha ka qabteen

 

 

Kulan Lagaga Hadlay Qiimaha Maceeshada iyo Qiimaha Sarifka Oo Madaxtooyadda Ku Dhex Maray Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Dalka iyo Hay’addaha Madax Banaan

 

 

Hargeysa (Warsugan) Kulan kaas oo ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa loona adkayn lahaa Go’aamadii hore uga soo baxay Shirarkii kan ka horeeyey ee madaxweynuhu gudoominaayey ee la isla qaatay in hoos loo dhigo doolarka korna loogu qaadi lahaa isticmaalka Shillinka Somaliland.

Shirkan oo qaatay saacado ayaa waxa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) waxaana ka mid ahaa hadaladii Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Marwo Khadra Xaaji Gaydh “Kulanka maanta ka dhacay Madaxtooyadda oo uu isugu yeedhay wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadu kana soo qaybgaleen agaasimeyaasha guud ayaa lagaga wada hadlaayey sidii kor loogu qaadi lahaa ee loo quwayn lahaa shillinka Somaliland, hoosna loogu dhigi lahaa Doolarka, tiiyoo uu maanta meel fiican marayo, isla markaana halkaa looga sii gudbi lahaa oo lagu salayn lahaa meceeshada laftigeedana hoos loo dhigi lahaa arrintaas oo awaamiirtaa uu farayey wasiirku agaasimeyaasha guud madaama ay yihiin mishiinada wasaaradaha ka shaqeeya, sidii xitaa kuwa ay lacagaha doolarka ahi soo galaan looga dhigi lahaa Somaliland shillin, wax kasta oo dawladda ka baxayaana uu Somaliland shillin u noqon lahaa Arrintaas ayaa maanta shirka lagu falan qaynayey waxaana ka soo baxay go’aamo aad iyo aad u wanaagsan oo dalka iyo dadkaba u dan ah”
Sidoo kalena waxa ugu danbayn halkaa waxaa ka hadlay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Muuse Abees oo ay hadaladiisa ka mid ahaayeen “maanta oo aanu halkan isugu yeedhnay Agaasimeyaasha iyo Hay’addaha madaxa-banaan qorshuhuna uu ahaa sidii loo quwayn lahaa shilinka Somaliland ee aaminkiisa loo heli lahaa, si shillinkii Somaliland, mushaharkii shaqaalaha iyo meelwalba lagu qaato shillinka Somaliland, Zaad-kii iyo E-Dahab-kii oo labadaba loo furayna in lagu shubto shillinka Somaliland.

Wasiiru dawlaha oo hadalkiisa sii wata ayaa mar kale yidhi “Markaa Maanta waxa la farayey shaqaalaha dawladda in la tayeeyo shillinka Somaliland oo kor loo qaado, waxa kale oo loo sheegayaa dadweynaha in sixirkii Somaliland laftiisa uu maanta meel wanaagsan marayo go’aana dawladu ku gaadhay in uu 6,000 kun oo shillin gaadho, cid walbana waxa la farayaa go’aamadaa la qaatay ee sixirka ah in sideeda loo fuliyo cidii ka hortimaadana talaabadeeda ayaa la marinayaa waxaanan dadweynaha leenahay ku dhegenaada, Ascaartan kor u kacdayna baayac-mushtarka waxa aanu faraynaa inay hoos u dhigaan oo ay la socdaan maalin walba waxa uu sixirku marayo, waxa aanu leenahay qolada shaqaalaha ah ee aanu maanta halkan isugu nimidna in isu-duwayaasha gobolada loogu gudbiyo shillinka Somaliland, Hay’addaha ku qaata mushaharka lacagta adag waxa la farayaa iyagana inay lacagta ku shubaan baanka, dabadeedna loogu bedelo wixii sixirka suuqu marayo, Arrintaasaanu maanta isugu yeedhnay oo aanu kala hadlaynay agaasimeyaasha iyo hay’addaha madaxa-banaan, waana aanu isla qaadanay go’aamo adagna waanu isla gaadhnay.

 

 

 

Khilaafka Hoggaanka Xisbiga Ucid Oo Wali Taagan Iyo Siyaasiyiin Iska Casilay

 

 

“Awoodaha Musharaxa iyo Guddoomiyaha Oo La Kala Saaray Waa Ta Keentay In Faysal iyo Jamaal Isku Dheggenaadaan,” Khadar Guun

 

Hargeysa(Warsugan) Khadar Guun Jaamac, afhayeenkii xisbiga Ucid iyo Eng Foosi Ibraahin Rijaal, guddoomiye xigeenkii xisbiga Ucid laantiisa waqooyiga America ayaa magaalada Toronto ee carriga Kanada waxay kaga dhawaaqeen inay gabi ahaanba xilkii iyo xubinimadii xisbiga Ucid iska casileen, kadib markii khilaafka xisbigaasi sal dhigi waayay, sida ay sheegeen.

Masuuliyiinta ka baxay xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa labadooduba sheegay inay u adkaysan kari waayeen khilaafka u dhexeeya guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo musharax Jamaal Cali Xuseen, waxaanay eeda khilaafka dusha ka saareen eng Faysal Cali Waraabe oo ay ku tilmaameen mid maroorsaday awoodda xisbiga Ucid.

“Waxaanu iscasilay anagoo saluugsan hab u socodka siyaasadda xisbiga Ucid iyo haggidda guddoomiyaha iyo habdhaqanka guddoomiyaha, taas oo xisbiga ragaadisay, xisbiguna uu noqday xisbi fadhiid ah oo ma kore ah oo halkiisii dhaafi waayay, isagoo ah xisbiyadii ugu horreeyay ee la aasaasay laakiin maanta dhulka yaalla, khilaafyadaas iyo buuqaa ka taagan ee ragaadiyay awgii,” ayuu yidhi siyaasiga Khadar Guun oo shabakadda Hadhwanaagnews kula hadlay Toronto.

Eng Foosi iyo Khadar Guun ayaa sheegay inay ilaa 2004-tii ka mid ahaayeen xisbiga Ucid islamarkaana marxalado badan la soo mareen, balse hadda khilaafka taagan ay u waayeen maaro ama xal lagu dhammeeyo. Waxay sheegeen in arrinta xisbigu ka socon ladahay guddoomiye Faysal oo doonaya in mar kale la doorto musharaxa xisbiga Ucid, halka hore loogu cumaamaday Jamaal Cali Xuseen.

Geesta kale wuxuu ku dooday Khadar Guun in arrinta Ucid ka qaloocatay xilligii Jamaal ku soo biiray xisbiga ee la kala saaray musharaxa iyo guddoomiyaha, jidkaasi oo uu uga digay xisbiyada kale inay qaadaan “Markii la isla gartay in Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan u ordaan madaxtinimada, Eng Faysal na ahaado guddoomiyaha, halkaas ayaad moodaa inay xisbiga seegtay, oo maadaama dimuqraadiyada Somaliland curdin tahay ay dhacday in guddoomiyaha iyo musharaxa la kala qaybiyo, taas oo cawaaqib xumada ka soo baxday xisbiyada kalena ay ku tusaale qaadan doonaan, aan filayana inaanu xisbi dambe taas nagu dhacday yeeli doonin in la kala qaado kursiga guddoomiyaha iyo musharaxiinta, taas oo aanay xisbigayaga ha noqoto ama kuwa kale aanay u bislaan in labadaas awoodood la kala qaybiyo, waana ta maanta keentay in Faysal iyo Jamaal isku dheggenaadaan,” ayuu yidhi Khadar Guun.

Iscasilaadda xubnahan xisbiga Ucid ka baxay ayaa imanaysa iyadoo maalmihii u dambeeyay Eng Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen mar kale iftiimiyeen in khilaafka Ucid wali halkiisii yahay. Eng Faysal ayaa dhawaan sheegay in marka la gaadho shirka golaha dhexe ee Ucid la go’aamin doono cidda uga qayb galaysa doorashada 2017-ka. Waxa uu meesha ka saaray inuu jiro wax khilaaf ah oo Ucid dhexdiisa ah, wuxuuna ku dooday in musharaxa xisbiga lagu tartami doono.

Hase ahaatee Jamaal oo Axaddii la hadlay idaacadda VOA wuxuu ku dooday inuu yahay musharaxa rasmiga ah ee Ucid islamarkaana aanu ogolayn cid kula tartanta. Waxa uu ku dooday inuu yahay musharaxa sharciga ah ee Ucid, isagoo ka digay in sharciga lagu tunto. Geesta kale wuxuu ku dooday in khilaafka Ucid yahay mid dibadda looga keenay waxaanu yidhi “Khilaafka Ucid waa mid meel kale laga soo hagayo oo la doonayo in jaahwareer siyaasadeed nalagu galiyo.”

 

Somaliland Oo Taariikhda Markii Ugu Horaysay Laga Hirgeliyey Adeega Boosaha ee Fariimaha Deg Deg Ah

 

 

“Boosuhu naga dheerayn mayaan iyaga waanu maamulaynaa”

Hargeysa (Warsugan) Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ayaa daah furtay Adeega boosaha   Fariimaha deg dega ah ee loo yaqaan Express Mail Service (EMS) oo aan somaliand ka shaqayn mudo ku dhow shan iyo labaatan sano (25 sano) Munaasibada daahfurka Barnaamijkan cusub ee fariimaha deg dega ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland  Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye.,  Masuuliyiinta Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland,

Axmed Xaashi Oday Gudoomiyaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Somaliland ayaa  faah faahin ka bixiyey mudada uu qaatay hirgelinta baraamijkan iyo qaabka uu u shaqayn doono isagoo ku tilmaaay guul usoo hoyatay shacabka Somaliland waxaana  hadaladiisii ka mid ahaa” Waa fariimo dirka sida deg dega ah markaa maadaama kaasi jiro waxaa weeye intii aynu soo joognay Somaliland shan iyo labaatankaa sano marwalba hadii aaf file buuxinayso iyo hadaad meel imtixaan buuxinayso  iyo boosta lanbarkaaga lays waydiin jiray dadbeed malihin uun baynu odhan jirnay caalamkana waxan u malaynayaa inaga mooyee malaa cidaan (Pos Service) lahayn ma jirto markaa maanta waxaan ku dedaalnay in mudo shan sano (5 sano ) ah ayaan mashruucan soo wadnay dabadeedna maanta waxaan aad ugu faraxsanahay  inaan wanqashiisii halkan isugu nimaadno markaa mashruucaa waxaa soo ansixisay ( Universal Post Union ) oo qaramada midoobay ah ayaa soo ansixisay boqol iyo koob iyo shaqaashan dal baa qaatay inay ku shaqeeyaan” .

Gudoomiyaha Xisbiga muxaafidkaa ee  Kulmiye ahna Murashaxa Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi oo goobtaasi hadal kasoo jeediyey ayaa mashruucan ku tilmaamay mid waxtar weyn u leh dalka Somaliland waxaana uu yidhi “Waa adeeg wanaagsan oo inagu soo kordhay maanta halkan hanbalyo ayeynu u nimi”

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo madashaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey faaidada u uleeyahay barnaamijkan ay ku guulaysatay Wasaaradiisu isagoo ka hadlaayana waxa uu yidhi”  Somaliland ictiraafka aanay hayn darteed iyo xidhiidhada aynu caalamka la leenahay u joojin mayno inagoo aan ictiraaf hayn ayeynu la xidhiidhaynaa la shaqaynaynaa maanta boostii Itoobiya ayaa inoo martiiya waana dal aynu jaar nahay meelkastoo wax inoo maraan waa marinaynaa maanta laga bilaabo way furantahay boostii Somaliland

Qaar kamida masuuliyiinta shirdaha  Isgaadhsiinta Somaliland oo iyaguna goobtaasi ka hadlay ayaa ka waramay faaidada uu leeyahay daahfurka barnaamijka fariimaah deg dega ah oo aan dalka Somaliland hore looga isticmaali jirin, sidoo kalena waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiin ka socotay Asxaabta mucaaridkaa ee Somaliland oo iyaguna dhankooda soo dhaweeyey furista boosaha Somaliland.

Mashruucan waxaa iska kaashan doona Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wadanka Itoobiya, sidoo kale waxaana mashruucaasi fulin doonto shirkad kamida shirkadaha gaarka loo leeyahay.

 

Dawladda Kenya Oo Sheegtay In Beel Ka Mid Ah Beelaha Somalia Lug Ku Lahayd Weerarkii Alshabaab Ku Xasuuqday Militariga Kenya

 

 

Nairobi(Warsugan) Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay jiraan astaamo muujinaya in beesha Marreexaan khiyaamaysay ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Somalia. Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Kenya ayaa baahiyay in guddii Kenya u dirtay baadhista weerarkii ciidamadooda lagu qaaday ee Ceel-cadde lagu ogaaday astaamo muujinaya in beeshu door ku lahayd fududaynta weerarka.

Magaalada Ceelcadde ee gobolka Gedo ee Somalia ayaa kooxda Al-shabaab waxay 15-kii bishan xilli waaberi ah weerar ku qaaday saldhig ciidamada Kenya halkaas ku lahaayeen. Waxay weerarka ku dileen ilaa 100 ciidamada Kenya ee Somalia ku sugan ah, iyagoo qaar kale qafaashay, sidoo kalena in badani firxatay.

Wargeyska Standard, wuxuu sheegay in ilo wareedyo u sheegeen in Kenya rumaysan tahay in weerarkaasi ahaa mid qorshaysnaa maalmo ka hor markuu dhacay, islamarkaana aan suuro galeen, haddii aanu gacan ka helin aqoonta qabiilka meesha dega. Ragga weerarka gaystay ayuu wargeysku sheegay inay isticmaaleen baabuur iyo qalab horumarsan iyo sidoo kale xeelado muddo dheer la qorshaynayay.

“Warbixina hor dhaca ah ee la helay ayaa muujinaya in qabiilka degaanku door ka ciyaaray dilalka iyo qorshaynta weerarka. Dadka ku nool degaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo saldhiga ciidanku ku yaalay waxa weeye qabiilka Marreexaanka,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Wargeyska oo soo xiganaya sarkaal dawladda Kenya ka tirsan oo magaciisa qariyay waxa uu tilmaamay in sababta beeshu u khiyaamayso ciidanku tahay inay rumaysan yihiin in ciidamada Kenya taageeraan qabiilka Ogaadeen oo xafiiltan ka dhexeeyo “Qabiilka Marreexaanku waxay dareensan yihiin in ciidamada Kenya caawiyaan qabiilka Ogaadeenka iyo qabiillo kale oo ay u arkaan in xafiiltan ka dhexeeyo, taasina waa sababta aanu filayno inay dabada ka riixayso in qaarkood ciidanka khiyaamaan,” ayuu yidhi sarkaal wargeysku soo xigtay oo magaciisa la qariyay.

Wargeysku waxa uu intaasi ku daray in la ogaaday in saddex Askarta Kenya ka mid ahi ka baxsadeen xasuuqa Saldhigooda ku qabsaday islamarkaana Oday degaanka ka mid ahi ku qariyay gurigiisa, balse markii dambe Al-shabaab meesha ugu timid kuna dishay kadib markii dadka degaanku Al-shabaab u soo sheegeen in saddexda Askari meesha isku qarinayaan.

Askarta ayaa la sheegay inay ilaa shan kiilomitir firxadeen iyagoo iska bixiyay dirayska militariga “Sida muuqata askartu waxay ordeen 5KM, iyagoo iska bixiyay dirayska ciidanka Militariga, waxaanay muddo isku qarinayeen guriga ninka odayga ahi ku qariyay,” ayaa lagu yidhi warbixinta Wargeyska.

Guddigan cusub ee Kenya u xilsaartay baadhista weerarka gilgilay ciidamada Kenya ayaa la sheegay inuu baadhitaan ku sameyn doono doorkii ay ku lahaayeen beelaha deegaankaas daga weerarka iyo haddii uu jiray wax dayac ah oo dhanka ciidamada ka yimid iyo haddii ay jireen Digniinno loo jeediyay Askarta ka hor inta aanu Weerarkaasi lagu qaadin.

Saldhigga Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ayaa ahaa Saldhiggii Saddexaad ee ay Al-shabaab la Wareegaan muddo toddoba bilood ah; isla markaana ay ku laayaan tiro ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ka Hawlgala Soomaaliya [AMISOM].

 

Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti  Ka Socda Baanka Aduunka

Hargeysa (Warsugan) Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maaligashida Caaalamigaa ee Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed  oo uu wehelinayo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa kulan xafiiskiisa kula qaatay wafti ka socday Baanka Aduunka oo Somaliland booqasho ku yimi

Wasiir ku xigeenka ayaa markii kulankaasi soo dhamaaday waxaa  uu la hadlay Warbaahinta islamarkaana uu u faah faahiyey waxyaabaha ay ka wada hadleen iyo ujeedada safarka waftigan socdaalka ku yimi Somaliland  Wasiir kaysar oo arimahaasi faah faahinaya ayaa yidhi “ waxaa noo yimi wafti ka socda IFC iyo Baanka aduunka markaa ujeedadoodu waxaa weeye runtii sidii ay caawimo uga geysan lahaayeen dalkeena waxaanu saaka la kulanay Rugta ganacsiga ka dibna xagan wasaarada ayaanu kulan ku galnay islamarkaa kulankaa ay ka qeyb galeen Ururada Korontada masuuliyiintooda qaar kamida ujeedadayadu waxaa weeye sidii aynu u horumarin lahayn ganacsigeena iyo sidii dadkeenu uga faaidaysan lahaayeen kheyraadka wadankeena kala duwan islamarkaana loo siin lahaa taageero ururada ka shaqeeya ganacsiga iyo dadka ganacsatada ahba” .

Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi” Waxaa jira runtii mashruuc ilaa saddex sanadood ah oo bangiga aduunku ka hirgelinayo dalka markaa arimo badan bay wax inagala qaban doonaan aritaasi ayaanu ku saabsanaa kulan aanu la gelaynay rugta ganacsiga masuuliyiintooda oo uu ka mid yahay gudomiyaha iyo xoghayaha runta ganacsiga jamhuuriyada Somaliland “ .

Kulankan saddex geesoodka ah ee uu gudoominaayey Wasiirka ku xigeenka ganacsiga somaliand ayaa noqonaya mid loogu gogol xaadhanyo dhiiri gelinta iyo sidii loo taabo gelin lahaa ganacsiga Somaliland iyo sidoo kalena loo gacan qaban lahaa dadka ganacsatada ah, waxaana uu baanka aduunku danaynaya sidii uu mashaariic uga fulin lahaa jamhuuriayda somaliand oo ah dal ay saamixi karto in laga furto ganacsiyo badan oo kala duwan.

 

ISIS Oo Shaacisay Muuqaal Ragii Ka Dambeeyey Weerarkii Paris

Video-gan ayaa waxaa kasoo dhex muuqday sagaal mintid oo fuliyey weerarkii Paris, kuwaas oo ay ISIS ugu yeedhtay “Libaaxyo”

Kooxda Daacish, ayaa sii deysay video u muuqda inuu muujinayo sagaal mintidiin ah oo ka qeyb galay weeraradii argagixiso ee magaalada Paris, iyo gowraca iyo dilka maxaabiis ku sugnaa Ciraq iyo Syria.

Video-gan ayaa waxaa ku jira qeybo ka mid ah weeraradii November ee Paris, waxaana uu ku tilmaamay kuwii ka qeyb galay weerarka inay ahaayeen “Libaaxyo”, jilbaha dhulka u dhigay France.

Dhammaan sagaalka mintid, ayaa ku naf waayey weerarka, ama weeraro ay booliiska qaadeen kadib weerarka.

Xigjiriinta fuliyey weerarkan oo badankood ka yimi Belgium ama France, ayaa ugu yaraan 130 qof ku dilay qaraxyo iyo xabado lala beegsaday dhowr goobood oo ka mid ah magaalada Paris.

Video-ga ayaa waxaa sidoo kale ku jira ra’iisul wasaaraha Britian David Cameroon, waxaana uu ka digay in kuwa aan Allaha aaminsaneyn ay “Bartilmaameed u noqon doonaan seefta kooxdan”.

Britain ayaa waxa ay qeyb ka tahay isbaheysiga Mareykanka uu hoggaaminayo ee duqeymaha ka dhanka ah Daacish ka wada Ciraq iyo Syria.