Guuleed yare

0
695

Guuleed yare

Guuleed Aaden Cabdi waa wiil agoon ah, da’diisu marayso hadda saddex iyo tobban. Qoyskoodu waa danyar. Waxay dugsadaan guri ay dabayshu qaadi karto. Wuxuu dhigtaa Dugsiga agoonta ee deegaanka Buuhoodle. Wuxuu la yimi sidaad daawan doontaan ama daawateen maskax cusub. Wuxuu isku keenay oo uu soo gurtay wax la tuuray oon la tirsanayeyn, alaabadan uu soo gurtay wuxuu ka sameeyey Baabuur soconaysa iyo Diyaarad oo ah kuwa carruurta loo iibiyo kuna ciyaaraan. Marka aad aragto waxaad is-wayddiinaysaa, inay warshaddi soo saartay, farshaxanka ka muuqdaa waa mid aad indhaha la raacayso oonad ka soo jeedsanayn!

Ma ogtahay haddii maanta wiilkaa la gacan qaban lahaa si kasta oo loo gacan qaban karo loona samayn lahaa wax u sii fudaydiya hawshaa baaxadda wayn ee uu keenay in uu soo saari lahaa, mid ka sii wanaagsan? Waayo tanni waxay warcelin u tahay riyadiisa iyo halka uu hiigsanayo. Dadkeena in yar mooyee waxan ku arkay haddii cidi keento farsamo iyo maskax cusub waa lala yaabayaa,”Magaalada ka fadhiiso ma maantaad tanna keentay?!” ayaa lagula soo boodaa. Ka ugu soo dhaw waa ka odhanaya,”Hamblyo.Wax wanaagsan baad samaysay.” Imisaa yar iyo waynba leh oo keenay farsamo iyo maskax cusub oo waxba lala qaban waayey. Imisaa jira oo ku haya hadda maskaxda oo is leh, “Maxaad soo bandhiggi kuwii horeba yaa taageero siiyey? Kuwaa iyo qaar kaloo badanba waxaa laga doorbidaa Jayne, Jabaan iyo Jumaykaanka kale. Sirtu ma aha inaad la baqato awoodda Eebbe kugu mannaystay.

Ma ogtahay si kasta oo aad danyar u tahay in aanay masxadaadu ahayn danyar. Awoodda ay leedahayna aad muujin karto, waxa tan ka marag kacay Guuleed yare iyo cid kasta oo maskaxdooda tuujiyey! ama tuujiya.
Waxan hubaa maanta hadduu ku noolaan lahaa, dal kale waa la isku layn lahaa isaga! waxana la odhan lahaa, ”Aniga ayaa maalgashi ku samaynaya ama Annaga oo Shirkad heblaayo ah wiilkan yar waanu maalgashanaynaa.” Dadkeenu ma is-maalgaliyaan iyagu?
Dugsi umuu galin barashada samaynta Baabuurtan , cidna ma barin isaga sida loo sameeyo kaliya wuu arkay Baabuurtan oo socda ama laga shaqaynayo. Guuleed Eebbe ha guuleeyee kaliya wuxuu u baahan yahay dhiirigalin iyo in wax lala qabto. Siday sheegtay hooyo Maryan farsamadan waxa uu bilaabay Guuleed yare, markuu ahaa laba sanno. Umay awooddin lacag ay kaga bixiso waxbarashadiisa, waxay ka heshay waxbarasho bilaash ah Dugsigan agoonta loogu dhigo. Hooyo Maryan wuxuu dhaawac ka soo gaadhay dagaalkii Buuhoodle ka dhacay ee Kalshaale dhibta ka soo gaadhay dagaalkaasi, waxa u dheeraa danta badan ee ay ubadkeeda la soo martay.
Ma xasuusan kartaa wiilkii yaraa ee reer Suudaan ahaa sameeyeyna Saacadda. Imisa dal ayaa martiqaad u fidiyey? Maxaa lagu abaal mariyey? Imisa qof ayaa bogaadiyey. Dalkiisii hadyadduu u keenay maxay noqotay? Imisa qof ayaa yidhi maalgalin ayaanu ku samaynaynaa? Wayddiimahan waa mid aan barbardhi karo Guuleed yare oo u baahan taageero aad u sal ballaadhan. Guuleed yare oo kaliya uma baahna taageero ee dhammaanteen haynu is wada taageerno. Dhibkasta oo timaaddana is-taakulayn iyo wada tashi haynu kala hortagno.
Far kaliyii fool ma dhaqdee, Guuleed yare haddii la dhiirigalin waayo ama uu waayo cid u waraabisa riyadiisa wuu quusan doonaa. Waayo maskaxdiisa soo koraysaa si dhib yar ayey ula qabsan kartaa quusta iyo inuu aad yar is-dhiibo. Noloshana uu u arko mid cidhiidhiya oo cidhbaha ka goynaysa. Aqoonsiga aynu raadinayno maalin kasta wuxuu iman doonaa haddaynu is-aqoonsanno innagu.
Ciddii u baahan inuu wiilka yar wax ka ogaado, ama uu rabo inuu caawiyo wuxuu kala xidhiidhi karaa; Caasha Axmed Cumar (CaashaSaxarla) Alleenka gacanta:- +252-634434668 ama +252-634605210.
Halkan guji si aad u daawato Guuleed yare iyo qalabka uu soo bandhiggay haddii aanad hore u daawan. https://www.youtube.com/watch?v=UApURBSx6TE

Dhammaad
Faadumo Buuni
libaaxo.77@gmail.com
Hargaysa