Gabadh Yar Oo Qoyskeedii Ka Soo Luntay Oo Lagu Hayo Rugta Bileyska Goljano

0
441

Gabadh Yar Oo Qoyskeedii Ka Soo Luntay Oo Lagu Hayo Rugta Bileyska Goljano

Waxaa lagu wargelinayaa cidii ay ka maqan tahay gabadh yar oo magaceeda ku sheegtay Siciida Maxamed Maxamuud, da’deeduna u dhaxayso 6 ilaa 7 jir, in lagu hayo muddo toddobaad ku dhow Rugta Bileyska ee Xaafadda Goljano ee magaaladda Hargeysa. Gabadhan yar oo sheegtay in Hooyadeed magaceeda la yidhaahdo Farduus Qawdhan, isla markaana ay ka shaqayso Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa dhawr jeer oo hore laga baahiyay Idaacadda Radiyow Hargeysa, balse ilaa hadda aan la hayn cid baadi-goobaysa, haddaba cidii ay garanaysa ama ay ka maqan tahay ha ugu hagaagto Rugta Bileyska ee Xaafadda Goljano.

Fiiro gaar ah: gabadhan yari waxay haybteeda ku sheegtay Habar-Yoonis, halka ay haybta hooyadeed ku sheegtay Ciida-gale.