JACAYLKII TIMO-DHEER HAWEEN iyo XUR-GUFTII COLAADA SOKEEYE qaybta 1-aad

0
745

JACAYLKII TIMO-DHEER HAWEEN iyo XUR-GUFTII COLAADA SOKEEYE

qaybta 1-aad

Wakhtigu waa goor gaaban oo fiid roobabow jiraan ah, dhulku wuxuu u sii dhawaanayaa inuu noqodo maddow iyo guddcur,goobtu waa kaymo jiq ah misna jabaqda raadkayga iyo dhibcaha roobka oo aan markaas badnayn baan maqlaayey, laakiin wax intaas igag cabsi baddan goobta oo la ii sheegay in bahalo hoose iyo dhul jiifku ku baddanyahay, ma sito wax faro la’aab ah misana ma sito wax iftiin sida toosh oo kale, waxaan xidhnaa dhar aan sidaas u adkayn oo dhibicda roobku kasoo dhex baxayso, laakiin waxaan ahay nin dhidid iyo kulayl socon kari la’a, waayo baqashada dhulkan sii madobanaya iyo dhul jiifkan aan ka baqayo oo aad u faro badnaa ayaa iga keenay dhidid.

Intii aan ku guddo jiray Socodkaygii baqdinta lahaa, ayaa meel aan ku qiyaasay laba boqol oo talaabo ka maqalay hadalka, gurxanka iyo Sheekada dhalinyar u socota ciyaar macnaha waxaan kawadaa way ciyaar gudayeyeen, Ciyaar gudidu waa wakhti ay dadka degaanka ahi haystaan barwaaqo misna wakhtiga kan ah waa mid dadka degaankaasi uu ilahay u nimceeyey, xaga roobabka, dooga iyo nimcoolayda kale ee Xoolaha oo dhala, wakhtigan dadku ma arkaan dhib badan Waayo doogu waa kambalka guriga, Xoolahana looma foofgeeyo meel durugsan waayo waa kambal dhereg, Talabadaan hoosta ka xaday waayo hadaan hadlo ama qayliyo waxaan dareensanahay in inta aan nimankaas gaadhayo dhexda la igusii waxyeeleeyo oo bahal ama Halis kale oo mugdiga ah aan galo laakin taas badalkeeda Waxaan ka hoos dusaayey dhirta qodxoolayda ah ee Maraaga iyo sogsogta Madax isku duubtay ah, Marmarka qarkoodna waxaan Lugta la galaayey booraan ama god roobku qoday oo biyo fadhiyaan, Allah Silic badanaa Socodkaygani, Laakiin akhriste ma iswaydiisay ujeedada Habeen-gudkan iyo socodkan rafaadka leh, Mise waxaad iga guraysaa sheekada. Aan kuu sheego Laakin iskadhaaf Halka dambe ayaad ka fahmi.

Bal taabo Wadnahayga Bugbugbug ta iyo sanqadha xoogan ee gurxanka ah ee ka yeedhaysa, Hosta ayan Jabaq cod ah oo aan dheerayn ka idhi HOOY, HOOY oo aan kawado nimanku inay dareemaan In Halkan Nin ku dhibanyahay, i maqle oo cod aan baqasho lahayn ayey igula hadleen waa KUMA ma Hebelbaa, waar mayee isuga waa nin kalee, soo gaadhay oo Naxdintii Hada way igasoo yaraanaysaa Laakiin Ogow oo wali maan gaadhin u jeedadii aan u socoday mid kamid ah oo sitay toosh ayaa idhaha igag ifiyey, Si uu wajigayga u garto laakin, Aniga oo ah nin ku cusub geyigan misna Baqashada iyo naxdintu igu abuureen dareen kale oo kaduwan kii dhaqan ahaan iyo dhalasho aan lahaan jiray awgeed, Waxan kawadaa isbedelka ka muuqda wajigayga, indhaha oo aad moodo in ay sidii abuurka rabi ugu talo galay iska bedeleen Macnaha yaryaradeen oo Aad moodo in ay godka ay ku jiraan Dib u sii ruqaansanayaan iyo timaha Dushooda ay Ka muuqdaan qoyaanka roobkii igu da’ay iyo caleemaha kasoo da’aadanayey kayntii wayneyd ee aan ku dhexjiray awgeed Nimankii Imay garanahayn oo Waxay ii arkeen qof dhiban oo Da’aal iyo Baqdini ka muuqato.

Waxba Yaanan Hadal kugu daalin, War nabad ahna lugu sii, Dhinacyada la iga mar, Ii bilaabe nimankii Hadal iyo Xog waraysi, Maanta Roobabkii da’ay waxay ahaayeen kuwo ilahay noogu barwaaqeeyey, Waxaa yidhi Dhugaal, Oo aan mar dambe magaciisa maqlay, Waa run Walahi, laakiin dhugaalow horta xili kasta oo wakhtigan ku beegan maxaynu U gudnaa oo Ciyaarta Xageeda ugu Dheemaalnaa , ayuu yidhi ninkii kale ee lasocoday oo aan magaciisa Hada ilawsanahay Alla!!! Waa geedi Haa geedi baa Sidaas yidhi; Dhugaal Inta uu Qosol iyo kaftan is xambaarsan goga u geliyey geedi buu yidhi “

Gu’ hagaagey oo da’ay Dhulka geedo jiifaan

Gurya-samo barwaaqa ah Haddii geeddi lagu furo

Dhallinyaro is gurataa Gurdan-raaca fiidkii

Gole weyn ku kulantoo Cagta garan-garteediyo

Isu geysa jiibkoo Googooska luuqdiyo

Gedda sacabka loo jaro Hablahaa u gaaroo

Garashada codkoodaa, Qof gaboobey kicisoo

Gelbiskiyo mashxaraddaa Gama’ kaa ilaashee,

Haddaan gabadhi boodeyn Illaa gegi ciyaareed

Wax ma dhaanto Giryaad”;

Markiiba maskaxdayda waxaa kusoo deg degtay maanso macalinkaygii cabdilaahi si fiican uu iiga dhegaysan jiray muddo 8 sano kahor, markii aan ku jiray dugsiga dhexe anigoo xiligaas ahaa fasalka lixaad ee waxbarashada dhexe, waxaanan si fiican u sawirtay luuqdii farshaxanimada lahayd ee Maansadda tiriyey Abwaan Maxamed warsame Hadraawi “Hablaha geeska afrika”.

Geedi isaga laftiisu dab yar ma shidaynin ee markiiba macnaha iyo xikmadda ayuu maskaxadiisa ku tuujiyey, suu isla markiiba ka qabsadday sangaabta gaaban oo uu ku celceliyey “Haddaan gabadhi boodayn, haddaan gabadhi boodayn, ileen gegi ciyaareed, ileen gegi ciyaareed, wax ma dhaanto giriyaad …………….. wax ma dhaanto giriyaad” waliba isaga oo hadalkiisa sii watta ayuu yidhi: Alleylee midhaasi waa xaqiiq, hasaawaha iyo kaftanka, hasaawaha iyo kaftanka, waar ragow taas hala ogaado” kkkk.

Anigu ma ahayn maan-gaab, fahamka iyo xusuusta laga inkaaray markii aan magaalada aan ku barbaaray joogay, laakiin ogow fiidnimadii gaadhigu igu dejiyey dhawr darkadood oo lugu caano dhamayo, ayey ii bilaamatey nacasimo iyo hoos u foorar, baqasho iyo xishood weheliyaan, laakiin sheekadan labada nin saaxibada ah dhexmaraysa waxaan ka qaatay dareen tabban iyo macnaha habeen gudka iyo ciyaargudka oo aan xaqiiqsaday in goobtu ragnimo iyo karti u baahantahay, fulaynimada iyo nacasnimana la-kala tegay.

Waxba yaanan hadal kugu wadno goyne, anguna xiiqaye, sidii sheekadda labada saaxiib iskugu tuur-tuurayeen, kaftanka iyo qosolkana isla jaanqaadayeen, ayey mar qudha dhankayga soo eegeen, kkkkk anigoo tabcaan iyo daal la bes ah!, cagahana jiidaya, allow yaa ogaadda waxa qodax i muddey habeenkaas, Misna mar keli ah igu wadda idhaahdeen “Adeer ina ayaad ahayd?!” gabasho iga dheer oo miciin iyo tolbaan raacdaynayaaye, si cod kar leh ayaan u idhi “Ina wiyeer” wiyeer oo awoowgey oo geyiga magac kulahaa lakiin nasiib xumo xiligaas ma noolayn, Intay qosol is raacsheen ayuu geedi yidhi “ma hebel baa ku dhalay mise hebel” faraxad iyo dhoolo caddayn, aan waji macbuusnimo kujir baan u idhi “Hebel hebel baa i dhalay” haaheey, adeer hadhow anagaa reerka ku geyn bay iigu rogaal celiyeen, Yaa malayn kara farxadayda, Ciyaartiina habeenkaas waxay ii ahayd waayo argnimo iyo aqoon aan ka kororsaday barwaaqada iyo Nabadda reeruhu ku wadda deganyihiin, sidoo kale ilaa maalmihii iigu horeeyey ee deegaanka waxaan bartay dhaqamo wanagsan oo aanan magaaladii aan ka imi ku haysan, waxaan bartay is dhex gal iyo bulsho nolol wadaag aan kala qalooneynin, waxaan bartay meel aan qabyaaladi jirin, dadkuna ay caanaha wada dhamayaan.

QAYBTA 2-AAD

In Muddo aha oo geyigu Barwaaqo iyo Nolol nabdoon soo Maraya kadib, Xaladdu Waxay bilihii xigayba isku bedeshay Kuwo biyaha iyo baadku soo gabaabsi noqodo, Misna Dadka intii isku Xigaal iyo xigto ilmadeerayaal ahiba isku guuraan oo meel isku urursaddaan, Dadkuna waxay noqodeen Nolosha sii adkaanaysa darted kuwo uu soo yaraado dhaq dhaqaaqa socodkoodu, reer(beel) kasta oo degaan deganina waxay isku dayayeen sidii ay ugu faro adaygi lahayeen biyaha sii yaraanaya Iyo baadka gabaabsiga ku jira.

Laakiin akhriste ogow wali kuuma sheegin sababtii aan hargeysa uga soo dheelmaday ee aan u imi degaanaddan Xoolo dhaqatadda iyo Beeralayda iskugu jirra, Horaan kuu idhi gadaal baan kaaga sheegi doonaa, ee iga warsug oo horaa looyidhi safar waa ala dhawraa, ee adiguna dhankaaga ha iga sal fududaan, kabo koombo biyo ah oo si fiican ii dhuux, kkkkk Intaasi waa iga kaftan.

Muuqaalka dhirtu waxay u eekaatay mid Qalashay, baarka sare ee dhirtaasna waxaa codad daciif iyo itaal dari ka muuqato oo kayeedhaya shimbiraha haraadku sida ba’an u saameeyey, Runtii marka aan isha ku kala qaaddo nafleydaas waxaan xasuusan jiray Gabaygii Abwaan Ismaciil Mire Ee Guuguule “Guuguule-yahow hadaad guga u ooyeysid, Ood mooday keligaa inu gubayo jiilaalku,……………………………………”.

Dhibaato kasta oo abaar iyo biyo la’aan ahi oo dhacayey marna maankayga iyo qalbigayga may gelin dhugaal iyo geedi oo aan saxibtinmadooda bartay habeenkii degaanka iigu horaysay waxay ku dambeyn doonaan kuwo qoriga iyo gulufka coladeed midba dhinac kasoo unko!!, Habeena kuma seexan Bidhaan-qurux, Timo haldhaaley oo muddo badan oo dhaxan iyo baqdin bahal lahayd aan usoo safraayey, misna wakhti baddan igu qaadatey la hasaawideeda iyo ka jawaabida hal-xidhalayaashii runtii aadka u ka-kanaa ee ay habeenadda qaar, anagoo duleedka reerka ku cadalooleyna ay goga ii gelin jirtay, waxaan sii xasuustaa dhumalaysigii iyo cadaloolkii habeenadda qaar, isla habeen waxaan xasuustaa timo-dheer haween, bidhaan qurux, waa Cosobbe inta ay gacanta I qabato oo meel aan sidaas uga fogayn ardaaga xafaddaydda oo uu ku qabsanaa aqalkooddu isla goob casho wanaagsan oo subag iyo caano lugu iidaanay aan wadda cashayn jirnay.!!! Runtii colaadani anniga iyo cosob oo keliya ah maaha dadka ay saameynta iyo waxyeeladda tabban soo gaadhsiisay, waxaa jirra tiro dhalinyaradda iyo dhooraydda degaanka oo habeenkii ciyaaro qabsan jiray oo meesha ka baxay, waxaa jiray kuwo xigaal iyo xigtabba ahaa oo meesha kabaxay, isla markaana quruxdii degaanka iyo camirnaantii bulshadda ayaa meesha ka baxday!!.

Alla!! Waan dambaabay, Kuuma sheegin miyaa baaba’an iyo kala guurkan, kuuma sheegin miyaa colaadan geedi iyo dhugaal hubka iyo qoryaha iskugu qaateen, kuuma sheegin miyaa sababtan aniga iyo cosob aanu isku calfan weynay, jacaylkaygiina u sii jiri waayey!!! iga raali noqo waan kuu sheeko dhaafaye, saw maalin maalmaha kamid ah wiil abtirsi ahaan kasoo jeedda degaankan aan ka dhashay, xili aroor ah oo biyo baliga laga cabbi jiray uu ahaa kuwo gabaabsi ah, ismuu odhan darka biyaha, xayntan yar ee xoolaha ah kusoo hor, Sawtii isaga iyo wiil kale oo ka soo jeedda beel aan degaan ahaan aan sidaas baraagaha biyaha uga fogayn, isla markaana ah beesha uu dhugaal iyo cosobe kasoo jeedaan, Waa dagaal caruur gu’a ahaan isku fil ah oo kala qabasho moyaane kala safasho talo iyo mid la go’aamiyo may ahayn, laakiin ogow xaaladda oo runtii aad u adkayd iyo dumar labadaba dabada ka riixayey ayaa noqoday col iyo dabshidayaal, Murankii iyo is afdhaafkii dhalintana doggobyo waaweyn sii saar saara.

Halkaas bay colaadii kasii hurtay oo intii raga iyo waxgaradku sahan iyo samata-bixin reeraha ugu maqnaayeen, ayey haweenka iyo caruurtu midiyaha daab-laxooda leh hoosta iskaga qaateen, Markiiba nin dhugaal ay ilmaadeer yihiin baa bali biyeysan goor subax aan cidi war u hayn lugu riday oo la quusiyey!!!, isna halkii bay naftu kaga haaday, Garro oo cida quusisay waa geedi walaalkii ruma, Sidii kolba la isku miranaayey ee hebel hebel loogu aaraayey ayeey colaadii sii fogaatey, dhugaal iyo reerka uu kasoo jeedo beel ahaan degaanka waa lagag baddnaaye, Naftu orod bay kugu aamintaaye inta ay hayaameen oo col iyo ciidan doonteen bay dhufaysyadda soo galeen.

Waxba yaanan calaacal iyo calool xumo kugu sii kordhine, Caawa waa colaad degaankii barwaaqadda badnaa, Waa goob la isku tiriyo Reer Hebel imisaa laga dilay, imisaa laga dhaawacay, degaan heblaayo ma reer hebel baa hadda ku sugan, Runtii colaadaas sokeeye aad bay ii saameysay, waayo waxaan ogaa noloshii hore ee degaanka, caawa cidla ayaan taaganahay oo ma haysto gabadhii aan degaanka ka caashaqay ee dhawaan aanu reer wadda yagleelan lahayn, Ma haysto dumashiyaal ma haysto soddoh iyo soddog midna, Mar mar aniga oo aan hurddo nabdoon gamin oo indhaha kaga bilig-gilig siinaya ayaan xasuustaa maansadii rabi janadda haka waraabiyee Abwaan Maxamed Xaashi dhamac gaariye ee ERGO “

Laba oorya walaaliyo, ilmaadeer is maquunsha

lama sheegin aduunkee marka aan ugu liito

mar aan eeda sokeeyiyo ilmahayga ku waayo

mar aan aayo la’aanta seedigay ugu aaro oo

walaashay asay qaado mar haday aqalkayga

haddii layga adkaadiyo hadaan raystey idhaahdaba

mar lay oohin u tahay bal maxaan istafiiday………..”

Colaadaha ka unkama biyaha iyo nimcadda rabi dadka siiyo, waa mid ku baahsan bulshadda degaamadda oo dhan ee geyigga somalidu degto, intii colaaddan aan arkaayey waxa kale oo aan maqlaayey laba beelood oo kale oo islaayey, Waxaan xaqiiqsadday qabyaaladda iyo waxa ay tahay, Anigu hadda degaankii waan kasoo hayaamayaa, aan kuu bushaareeyo dhex dhexaadin iyo nabadayn gurmad ah oo soo kala dhex galay dartii habeenka habeenkan xiga nabad baa lugu seexan, laakiin aan ku sheego qalbi walaaltinomo oo isku dhawrani ma jiro, Aniguna intantii bilan bidhaan qurux ee haween aan ka janttay ma calfan, laakiin wali kama samir goynin ee nabad iyo calool fayoobaan dambe ayaan dhawrayaa, berri waan ka laabanayaa safarkaygii diifta iyo colaadda kusoo dhamaadday, waxaan xusuustii barwaaqadda, jacaylkii, coladdii xiliyadda dhexe iyo nabadaynta dambe ku naawili doonaa markaan geyigii muddadda aan ka maqnaa kusoo noqodo, laakiin akhriste wali ma ilaawin timo dheer haween, sidoo kale dhugaal iyo geedi saxibtinmadoodii iyo walaaltinmadoodii waan sugayaa in aan mar labaad arko, Safarkayga xiga ayaan idiinka sheekayn ka warkiinidda Jacaylkaygii oo aan ku hamiyaayo in uu dhab ii noqodo kana baxo duruufaha ku gaddaaman “Marnaba niyadda iyo quluubta kama jari doono cawo-oo aniga ii ahayd Bidhaan qurux mar la’a arag ah” Mar dambena ma jeceli inaan maqlo colaad iyo hub urursi dad walaalo ah oo isku deegaan ah, Marwalbana waxaan niyada ku hayaa in qabayaaladu tahay bar bilawga burburka bulsho iyo dad walaalo ah.

Mr.Hamse Bashe Wiyeer (H.shaadhey)
BBA-Accountant and Office finance
E-mail: Xamse18@gmail.com
Tell:+252-2-63 4457401
Hargeisa.