Xukuumadu Waa Ku Mahadsan Tahay Soo Afjaridii Shaqaaqadii Gobolka Saaxil.

0
393

Xukuumadu Waa Ku Mahadsan Tahay Soo Afjaridii Shaqaaqadii Gobolka Saaxil.

Ciidamada kala duwan ee qaranku leeyahay sida kuwa Milateryga ,Booliska, Asluubta, Xeebaha iyo RRU ayaa si hagar la,aan ah uga hawl galay kuna guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan dablaydii hubaysnayd ee dishay taliyihii qeybta Booliska gobolka Saaxil .

Dhamaan ciimada kala duwan uu qarankani ku faano waxay waajibkooda u guteen si hagar la,aan ah waxaana ay xil weyn isak saareen soo qabashada nimankaasi dilka geystay taasi oo shacabka somaliland ku amaanayaan ciidanka talaabada qiimaha badan ee ay qaadeen iyo dedaalka balaadhan ay ku dareen iyagoo si weyn isu xil qaaday laban labayna kartidooda islamarkaana adeegsaday tab iyo xeelad aqooni ku dheehan tahay ilaahay kusoo guuleeyey .

Wasiirada Wasaaradaha Arimaha gudaha, Madaxtooyada, Hawlaha guud iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka, waxaan marag ma doona inay xaaladaas si wanaagsan oo dedaalkeeda iyo kartideedaba leh ay uga hawl galeen iyagoo si guud u sugay amaanka Magaalada berbera sidoo kalena ka hor tegay rabshado, hawl gal dheer oo dedaalkiisa wata ka dib waxaa lagu soo guulaystay in gacanta lagu soo dhigo budhcadii falka wuxushnimada ah geysatay taasi oo ay bulshadu ku hanbalyeynayso ciidanka qaranka iyo madaxdiisa siday xilkaasi uga soo baxeen.

Waa muhiim qarankana waa u faaido in marka wax dhacaan si guud looga wada hawl galo si aanay dhibtaasi u fidin waxaana mahad iska leh masuuliyiinta iyo ciidamada amaanka ee habeen iyo maalinba heeganka ugu jira sidii ay u sugi lahaayeen una adkayn lahaayeen amaanka guud ee dalka waana wax ilaahay loogu mahad naqo maamulka kala danbaynta iyo ciidamada hanaanka asluubayn u shaqeeya qaranka heeganka ugu jiraa waa haybada aynu dheernahay Wadamada kale .