Xukuumada Somaliland Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiisay 500 Oo Qoys Oo Ku Dhaqan Gobolka Hawd

0
460

Xukuumada Somaliland Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiisay 500 Oo Qoys Oo Ku Dhaqan Gobolka Hawd

Bali-gubadle(Warsugannews)Xukuumada Somaliland Ayaa Maanta Deeq Raashin Ah Gaadhsiisay 500 Oo Qoys Oo Ku Dhaqan Deegaano Hoosyimaada Gobolka Hawd Deegaanada deeqdan la gaadhsiiyey ayaa kala ahaa Baargoo,Cuno Qabad iyo Musaajidka.

Deeqdan raashinka ayaa ka koobnayd Bariis,Sonkor Daqiiq,Saliid, Caano Timir iyo waliba sharaab waxaana loo qaybiyey 500 Qoys oo ka mid ah dadka ay abaaruhu halkeeyeen ee ku dhaqan ee deegaanadaasi gobolka hawd

waxaan deeqdan Qaybiteeda Goobjoog ka ahaa Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Obsiiyey Maayir ku xigeenka Degmada Bali-gubadle Mowliid jaamac yuusuf iyo Gudoomiyaha Degmada Sayla-Bari Khaliif Maxamed Cumar

Masuuliyiintan ayaa waxay sheegeen in dhamaanba deeqdan sidii loogu tala galey ay u gaadhsiiyeen qoysaskaasi abaareysan .

Geesta kale Qaar ka mid ah Qoysaskan Deeqda la gaadhsiiyey ayaa xukuumada Somaliland uga mahadnaqay Deeqdan

Halkan ka daawo Muuqaalka warka