Daawo Weftigii Madaxweynaha oo caawa 9:30pm (Habeenimo) ka soo degay Amiri Airport ee Caasimada Dalka Kuwait (Kuwait City) Weftigii madaxweynuhu hogaaminaayey oo galabta u kicitimay dalka kuwait +Sawiro

0
353

Weftigii Madaxweynaha oo caawa 9:30pm (Habeenimo) ka soo degay Amiri Airport ee Caasimada Dalka Kuwait (Kuwait City) Weftigii madaxweynuhu hogaaminaayey oo galabta u kicitimay dalka kuwait.

Hargeysa(Warsugannews)Weftiga Madaxweynuhu markii ay ka soo degeen Amiri Airport waxa ku sugaayey Madaarka caalamiga ah ee Kuwait City oo ah madaar u gaara Shiyuukhda, Madaxda Adduunka iyo wefuuda caalamiga ah, halkaasna waxa weftiga madaxweynaha ku sugaayey kuna soo dhaweeyey Madax ka socotay dawladda kuwait iyo Sheikh Hamad Bin Sabah Ahmed iyo marwadiisa, waxaana weftiga madaxweynaha loo galbiyey qasriga uu magaalada ka degan yahay sheekhu.

Waxa beri si rasmi ah la filayaa in loo guddo galo kulamadii uu madaxweynuhu la lahaa Madaxda dalka kuwait iyadoo ay weftiga madaxweynuhu ku sugnaan doonaan dhawr maalmood halkaasi.

safarkan madaxweynuhu ku tegay dalka kuwait ayaa daba socda safaro hore uu madaxweynuhu ugu tegay dalka kuwait kulamana la yeeshay sheekha kuwai, waxaana dawlada kuwait iyo Somaliland ka dhexeeya xidhiidh walaaltinimo oo qotodheer, intii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo talada dalka hayeyna waxa sii xoogaystay xidhiidhkaasi labada dal ka dhexeeya, waana ta keentay in madaxweynaha Qaranka Somaliland iyo Amiirka Kuwait ay kulamo kala duduwan yeeshaan isagoo sheekhu marwalba madaxweynaha u soo dira diyaarad gaara oo ka soo qaada Somaliland toosna u geysa dalka kuwait.

Wararka madaxweynaha oo aanu marwalba idin soo gudindoono kolba halka ay ku suagn yihiin iyo shirarka ay galaanba

6e141d7e-ab84-4e11-9cca-88d3c3a4477f

9aba57b7-c01e-485c-910e-0b4991c6416b

8426ab78-cf3a-4f52-a668-fadc8d1f6858

3128398b-b60f-4b99-b3a3-29a6b177f377

a7d40659-5652-4b94-bea6-8eadfd0311f7