ku simaha Madaxweynaha JSL ahna kuxigeenka Mweynaha ayaa shacbiga iyo Ciidamada u kala Diray Tacsi Qaran

0
366

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN-TACSI MADAXWEYNE-15/03/2016-
Hargeysa(Warsugannews)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, isagoo ku hadlaaya magaciisa, iyo kan shacabka Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Ciidamada Qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka badda ee uu ka baxay Marxuum Sarkaal Dheeg Cali Cismaan oo shalay ku geeriyooday hawlgal qaran oo ka dhacay jasiirada Ceebaad.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu si gaara u tacsiyadaynayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland. Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu caafimaad sareecana Illaahay uga baryey Askarigii ku dhaawacmay hawlgalkaa qaran ee shalay ka dhacay xeebta galbeed. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada qaranka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu cambaareeyey dilkii shalay ka dhacay magaalada Burco ee lagu dilay Marxuum Yuusuf Muuse Cawil oo gacan ka gardarani dishay, taas oo uu ku tilmaamay wax laga xumaado, tacsina waxa uu u diray Madaxweyne ku xigeenku qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuumku. Madaxweyne ku xigeenku wuxuu bogaadiyey ciidamada amniga ee gobolka togdheer oo si degdeg ah markiiba gacanta ugu soo dhigay kooxdii gacan ku dhiiglayaasha ahayd ee dishay marxuumka. kuwaas oo isku deyey inay baxsadaan balse dedaalka ciidanka awgii aanay u suurobin inay fakadaan.

Waxaanu boogaadin taa la mida u dirayaa maamulka gobolka togdheer ee waajibkooda qaran gutay, soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha oo cadayn u ah in aan cidina ka carari karin gacanta amniga dalka, sharcigana lala tiigsan doono cidka kasta oo qaranka danbi ka gashay.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.