Xisbiga Wadani Oo Tahli Kariwaayey Inuu Shacabkii Soo Doortay La Wadaago Dhibta Iyo Gudoomiyaha Wadani Oo Khasnadii Golaha Wakiilada Ku Takri Falaya.

0
726

Xisbiga Wadani Oo Tahli Kariwaayey Inuu Shacabkii Soo Doortay La Wadaago Dhibta Iyo Gudoomiyaha Wadani Oo Khasnadii Golaha Wakiilada Ku Takri Falaya.

Dalkeena somaliland waxaa uu xiligan ku jiraa marxalad abaareed oo adag taasi oo sabab u noqotay in la waayo duunyo badan oo xoolo u badan halka qaar kamida deeganada galbeedka somaliland dad ugu dhinteen gaajo ay sababtay abaarta iyo macaluusha baahsan ee jirata hadaba iyadoo dadkeenu gurmad u baahan yihiin ayaa jira in Xisbiga Curdinkaa ee Wadani oo isagu ku cusub saaxada siyaasada islamarkaana fadhi barad ah uu xigan ku foogan yahay inuu ku tagri faloo .
Ma nasiib xumo ka weyn ba jirta marka aad garan waydo hadba marxalada kula gudboon gudoomiyaha wadani wuxuu garan la,ayahay talaabada la gudboon iyadoo shacabkiisii uu codkooda ku fadhiyey marna xisbigiisa kusoo saaray inuu garan waayo dareenka abaareed iyo xaalada cakiran ee shacabka somaliland ku sugan yihiin , miyaanay siyaasad xumo ahayn inuu safaro maalaa yacniya iska galo hadba dalka iska aado isagoo eegaya danihiisa siyaasadeed.
Ciro ma wuxuu hogaamiye dal ku doonayaa tamashlaynta iyo ku takri falida khasnada golaha wakiilada uu u adeegsacado lacagta qaranku leeyahay hadba siduu doono isagoo uga faaidaysanaya hab qabiil iyo hab shikhsiyadeed intaba, bal qiimee ciro maanta madaxweyne ah dalkana abaartaasi ka jirto siduu wax u maarayn lahaa adigoo hada ka shidaal qaadanaya isku aranta xilalka uu hayo maanta ? runtii waxaa muuqata inaanu waxba maareeyeen oo uu la,aad yahay.
Xisbi nimadu iyadoo ay masuuliyad tahay aad qaranka u hayso maaha in waxkastoo aad yimaada aad xukuumad uun ku eedayso mucaaridnimana maaha inaad xumaha sheegto oo aad buun buuniso waliba been abuur ku dartid iskana indho tirto wanaaga dabcan waxaad mucaaridayso u fiirso kana fiirto waxay keeni karto dhaliisha sheeg lama diidin samaha iyo wanaagana ku dar si aad u noqoto mucaarid fayow oo sama jecel se waa mushkilad inaad noqoto uun xaasid ka xumaada wanaga jecel xumaanta, qaranka mucaarid iyo muxaafidba waa loo siman yahay danta qaranka ee maaha aafooyinka iyo masiibooyinka yimaada inaad xukuumada ku eedayso kursi jaceyl awgigii, kursigana laguma helo afxumo ee wanaag dedaal iyo kalsooni shacab baa lagu yimaadaa.