Is-waydii: Fir Xadka Gudoomiyaha Waddani Uu Itoobiya Ku Galay Iyo Magaca Dhabta Ah Ee Waddani‏

0
335

Is-waydii: Fir Xadka Gudoomiyaha Waddani Uu Itoobiya Ku Galay Iyo Magaca Dhabta Ah Ee Waddani

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayey caado ka noqotay mar kata oo lagu soo eedeeyo musuq iyo wax is-daba marin inuu dalka dibadiisa u dhuufo ama uu dalka Itoobiya ee aynu dariska nahay fasaxyo iyo shaqo aan jirin ugu baxo.

Horjoogaha Waddani markii guddigii ilaalinta hantida ee golaha wakiiladu ku soo eedeeyey inuu lunsaday lacag dhan boqol iyo konton kun oo doolar ($ 150,000) wuxuu demba basay oo uu isku shaandhayn aan ilaa hada la ogayn sababta ka danbaysay ku kala diray guddigii uu gudoomiyaha u ahaa Xildhibaan Obama!!!

Ama gudi kala dir ama golaha isku wada badaloo falaadhi gilgilasho kaama go’ayso. Waa in aad taa niyada ku haysaa mar kasta lagaa yeeli maayo jaah wareer iyo buuq aad ka dhex abuurtay golaha wakiilada, umadana ku cashuurta laga qaadi ku boobi maysid oo mushahar ahaan uma qaadanaysid iyagoo dadkeeni maanta abaaro u dhimanayaan.

Dadka ka faalooda siyaasada geeska Afrika qaarkood ayaa aamisan in gudoomiyaha Waddani uu dawlada fadaraala Itoobiya u yahay jaajuus u shaqeeya oo ka adeega hagar daamooyinka Somaliland lidiga ku ah, kuna shaqaysta mijo xaabinta qaranimada Somaliland ee ilaahay shacabka ugu deeqay.

Lunsiga hantida shacabka ee lagu eedeeyey wuxuu ku damba-basayaa hawl maalmeed iyo shaqo aan jirin oo uu kolba ugu baxo dalka dibadiisa, isaga oo mar kasta khalkhal galiya golaha wakiilada si looga takhaluso xad gudub kasta iyo boob kasta oo isaga lagu soo eedeeyo gudoomiyaha Waddani.

Xisbiga wadaani oo aan rog rogay sababta dhabta ah ee loogu bixyey waxaan ogaaday inuu asal ahaan magacan Waddani ka yimi xarfahan: Walaalaha, Adhax-goynta, Danta, dalka, aayaha, nabada iwm (Waddani) waa astaan ilaa hada laga dheehday oo uu ku caan baxay xisbiga Waalaha, adhax-goynta, danta, dalka, aayaha, nabada iwm.

Reer Somaliland goob kasta oo ay ku sugan yihiin waxaan uga digayaa xisbiga waddani in aanay ku milmin siyaasadiisa adhax-goynta ah ee u adeegta Itoobiyada aynu jaarka nahay. Waa in il gaar ah loo yeeshaa oo meel looga soo wada jeestaa ka foojignaanta Waddani.

Ilaahay ayaa mahad leh

Mustafe Cabdi
Cmustafe99@gmail.com