Wasiir Xasan Daahir Dhinbiil Oo Noqday Masuulkii Ugu Horeyey Ee Xukumada Reer Awdal Ugu Jira Oo Gurmad Lixaadleh Ka Gaysta Dadka abaaruhu Saameeyeen Ee G.Awdal

0
435

Wasiir Xasan Daahir Dhinbiil Oo Noqday Masuulkii Ugu Horeyey Ee Xukumada Reer Awdal Ugu Jira Oo Gurmad Lixaadleh Ka Gaysta Dadka abaaruhu Saameeyeen Ee G.Awdal.

Boorama(Warsugannews)Wasiir Ku Xigeenka Waasarada Caafimaad Somaliland Xasan Daahir Dhinbiil ayaa noqday masuulkii ugu horeyey ee Reer Awdal Xukumada Axmed siilaanyo Ugu Jira gacan lixaadleh ka gaystay sidii uu samato bixin lahaa dadka abaarta ba’an ku dhufatay ee gobolada Galbeedka Somaliland.
Wasiir xasan daahir ayaa markii uu maqlay in uu badhasaabka gobolka awdal uu ku dhawaaqay in uu gobolku galay xaalad adag oo abaartu faraha ka baxday ayaa wasiir xasan daahir dhinbiil uu si deg-dega uu uga soo jawaabay hadalka uu ka soo yeedhay badhasaabka awdal oo markaasi deeq kale duwan gaadhsiiyey dadkii abaartu ku soo baro kicisay degmada quljeed.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somaliland xasan Daahir Dhinbiil ayaa masuuliyiinta wasaarada caafimad ee gobolka awdal ku amray in ay gacan weyn ka gaystaan sida ay uu oga’aan lahaayeen caafimaadkooda dadkaas ay abaartu haleeshay.
Wasiir Xasan Daahir dhinbiil ayaa intii uu socday gurmadkii lixaadka lahaa ee dadkaasi loo fidinayey ayaa habeen iyo maalin ku hawlana sidii dadkaasi wax loogu qaban lahaa isla markaana loo badbaadin lahaa dadkaasi ay abaarta afar sano jirtay ku dhufatay.
Marka Laga Tago Wasiir Xasan Daahir dhinbiil ayaa ilaa hada aan lahayn masuuliyiintii kale ee xukumada axmed siilaanyo reer awdal ugu jira oo gacan ka gaystay sidii loo samata bixin lahaa dadkii ay abaartu ku dhufatay ee ay matalaan oo noqday kuwo guud ahaan xalada gobolka awdal ka taagan ka muquurta.
Sidoo Kale Wasiir Xasan Daahir Dhinbiil ayaa Mudada uu Wasaarada Caafimaadka Somaliland Uu Jooga Uu Kaalin Weyn ka Qaatay Sidii Uu U Horumari Lahaa Caafimaadka Gobolka Awda Oo Masuuliyiinta Gobolka Ee Wasaarada Caafimaadka Ku Dhiirigeliya In ay Dadkooda Uu Shaqeeyaan Isla Markaana ay Xasanaad badan ay ka heli doona xaga ale.
Si Kastaba ahaate Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaad Ee Somaliland Xasan daahir dhinbiil ayaa ah masuul ku si foobay hawl-karinimo ku dheehan tahay in uu guto hawlihiisa shaqo isla markaana ay taariikhdu xusi doonta horumarka uu dhanka caafimaadka uu ka gaystay gobolka awdal…