Khudbadihii Askarta Q…2aad W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
861

Khudbadihii Askarta Q…2aad
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Khudbadan wuxuu MSBarre jeediyey markii ay dagaalyahannadii USC ugu galeen madaxtooyadii Muqdisho. Khudbadan waxa toos uga dhadhamaysa in uu daad ugu galay madaxtooyadii uu ummadda ku kadeedi jiray. Waa dhaqan lagu yaqaano Askarta madax noqota inay marka hore qiiqa isku qariyaan, marka dambena ay dabinta dhexda ka qaniinaan.
Khudbadii ugu dambaysay ee Maxamed Siyaad
Maxamed Siyaad wuxuu hadalkiisa ku bilaabay” Waxa fiican in aynu garano dantayno waxa ay tahay, maxaa se aynu nahay. Waa inaan marka hore isku eegno muraayad, ka dib eegno wuxuu yahay wejigeennu. Waxa aan hadalkaasi u leeyahay dhawr arrimood dartood. Xabbada dhacaysay, maah nin ladan ama nin dal shisheeye joogaa maaha in uu dadka ku laayo, waxa se ka sii fool xun kuwa sida xun wax u bililiqaysanaya. Waxa aan la yaabanahay nin intuu xafiis-dawladeed galay waraaqihii dibada ku daadiyey, xaguu u socdaa muxuu ka helayaa, yuu se siinayaa warqahaasi. Micnaheedu waxa weeyi wuxuu awood u waayey in uu warqaha qaado oo uu ajaanib u geeyo, wuxuu u jeedaa inay suuqa ka gurtaan. Waxa ka sii xun dadka masaakiinta ah ee xabbada lagu wareeriyey, ee la boobay.
Marka Xamar laga baxo jiho kasta waxa daadsan dad masaakiin ah, waxa aan leenahay waar dadka guryahooda u daaya ha eryinaye, oo ka daayo xabbada, boobka, qaxa iyo waxa kan foosha xun. Dad islaam ah yaad tihiin, soomaali ayaad tihiin, sharaf iyo karaamo ayaad lahaan jirteen. Xitaa inaad islaamnimada ka baxdaan waa xaaraan, waxa loo baahan yahay inaad caqli yeelataan, ilaahay wuxuu caqliga inoo siiyey inaad inaan ku fikirno, qalbigan wuxuu inoo siiyey inaan ku naxariisano. Waxaan leenahay dadka masaakiinta ah, ee aan waxba qaadan Karin, ee carruurta ah, Habraha ah, odayaasha ah, dumarka ah, ka daaya dhibta. Iyagana waxa looga baahan yahay inta aydaan qaxin taxadir badan yeesha. Ilaahay “ SC” qofkii dhiminaya meel uu kaga baxsadaa ma jiro, waa inay gurahooda joogaan.”
Markii uu khudbadii dhameeyey ayaa la saaray heestii” Tawrada tan barakaysan, tallaabadii ay qaadee dadweynaha daryeeshe tabar iyo taagba garabkeenaan taaganahe.”
Waraysigii ugu Dambeeyey ee Maxamed Siyaad laga qaado..Q…1aad
Waraysigan waxaa Maxamed Siyaad Barre laga qaaday bishii May 30-keedii sannadkii 1987. Waxaa ka qaaday Uthman Mirghani oo ka tirsanaa wargeyska Al-Tadamun ee af-Carabiga ku soo baxa, waxaana lagu qaaday Muqdisho.
Al-Tadamun: Mudane Madaxweyne, waxaa ka soo wareegtay hal sano markii aad gashay shilka gaari oo uu kaa soo gaadhay dhaawac kugu kallifay inaad sariir jiifto muddo. Maxaad hadda dareemaysaa, ma ka soo kabsatay saameyntii shilkaas?
Siyaad Barre: Waxaan rumeysanahay, iyadoo mahadda uu iska leeyahay Ilaahay, inaan ka soo kabsaday shilkaas ama ugu yaraan tani waa sidaan dareemayo. Waxaan dareemayaa xoog iyo inaan awood u leeyahay inaan guto waajibaadkayga oo caadiyan ah kuwo aad u badan. Tusaale, maanta waxaan kormeeray shirar, waxaana ka shirnay arrimo gudaha ah ilaa laga gaadhay 04:30 galabnimo, welina waxaan dareemayaa inaan leeyahay nashaad iyo firfircooni laakiin waxaa laga yaabaa inaad aragto saameyntii shilkaas oo ay ka mid tahay gariirka gacantayda.
Al-Tadamun: Mala-awaal iyo warar ku saabsan caafimaadkaaga ayaa soo kordhayey ilaa iyo shilkaagii, kuwaasoo gaadhay heer ay jaraa’idka qaar tebiyaan inaadan awood u lahayn inaad gudato howlahaaga Madaxweynenimo. Iyadoo tani jirto ayaa haddana waxaa laguu doortay Madaxweyne toddoba sano ee soo socota bishii December. Ma u aragtaa kordhinta laguu kordhiyey xilliga aad haynayso kursiga inay jawaab u tahay mala-awaalkaas?
Siyaad Barre: Haa, waa inay u ahaataa. Ilaa iyo markaan shilka galay waxaan u watay hawlahayga si caadi ah, qof kasta oo la socdana wuxuu sheegi karaa inaan awood u leeyahay hawlahayga inaan guto iyo in kale. Mala-awaalka ku saabsan caafimaadkayga weli waa la baahiyaa, laakiin wax qiime ah ma laha. Kuwa baahinaya wararka noocaas ah waad dad ka soo horjeeda taliska Soomaaliya, waxayna jecel yihiin inay faafiyaan been-abuurka. Saxaafadda reer galbeedka waxay qaadataa wararka noocaas ah iyadoo sababtu tahay inaysan awoodin inay xaqiijiyaan ama iyagoo doonaya inay baahiyaan wararka xasaasiyadda leh. Ma jiro Madaxweyne aan bartilmaameed u ahayn been-abuur iyo mala-awaal inta uu xilka hayo. Ilaa iyo inta aan xukunka hayo, wararka noocaas ah way socon doonaan, weyna soo bixi doonaan marba marka ka dambeeya, laakiin taxliilka ugu dambeeya ayaa dhextaal u noqon doona arrimaha gudaha ee ummadda iyo aragtida caalamka ee xaaladda.
Al-Tadamun: Maxay yihiin waxyaabaha muhiimadda kuu leh sannadaha soo socda, gaar ahaan muddada toddobada sanno ah ee xilka laguu kordhiyey?
Siyaad Barre: Ma jiro wax is-beddel ah oo weyn oo ku jira ahmiyaddeyda. Tan ugu weynse waa in la sii wado halgankii aan ku raadineynay horumarka dhinac walba. Waxa aniga muhiimka ii ahi waa in lagu guuleysto horumarka dhaqaalaha, siyaasadda iyo dhinaca bulshada, lana darsaa sida horumarku ku suurageli karo, loo qeexaa dalalka nagala shaqayn doona arrimahaan, lana tixgeliyaa sidaan ugu guuleysan lahayn barnaamijyadeenna. Haddii aan helno caawimaadda dibadda waan ka mahadcelinaynaa, laakiin arrinta noogu weyn waa inaysan noqon inaan eegno helitaanka gargaarka, balse waa inaan xoogga saarno waxaan annagu ku guuleysan karno. Qaramada iyo ummadaha waxaa lagu dhisaa dadaalkooda, laguma dhiso hadal. Ummadaha qaar mararka qaarkood waxay nagu eedeeyaan siyaasaddeenna, laakiin taasi nama quseyso, waayo taariikhda ayaa caddayn doonta in siyaasadaheenna iyo ujeeddooyinkeenna shaqada iyo horumarka ay sax yihiin.
Al-Tadamun: Bishii la soo dhaafay waxaad ku dhawaaqday xaalad degdeg ah si aad wax uga qabataan abaarta ku dhufatay Soomaaliya. Xaaladdu weli runtii ma xun tahay?
Siyaad Barre: Wararka aan helayo waxay muujinayaan in waxoogaa roob ah uu ka da’ay dhulalka badankood, laakiin roobkaani waa mid aan ku filnayn kaddib muddo dheer oo ay jirtay abaar. Roobku sidoo kale ma uusan dhammaynin geerida xoolaha, gaar ahaan kuwa abaartu tabardareysay. Sidaas oo ay tahay saameynta ay leedahay roob la’aantu iyo baahida bini’aadamka waa mid socota, gaar ahaan markay noqoto cunnada iyo qalabka caafimaadka ee la siinayo kuwa abaartu saamaysay.
Waa in hadda dadkaas la siiyaa cunno iyo qalab caafimaad ugu yaraan saddexda bilood ee soo socota. Waxaan hadda qaadaynaa daraasad ku saabsan khasaaraha dadka iyo duunyada, gaar ahaan khasaaraha xoolaha. Soomaalida gaar ahaan ku nool gobollada dhexe, bariga iyo koonfurta waxay ku tiirsan yihiin xoolaha nool, sidaas daraadeed dhibaatadu way sii socon doontaa.
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com
La Soco Qaybaha Dambe……………………………………………………….