Xukuumada Somaliland Ayaa Riig Banka Qool Caday Ka Qodidoona Ceel Biyood Ku Wareejisay Gudida Horumarinta Beelaha Cidagale‏

0
510

Xukuumada Somaliland Ayaa Riig Banka Qool Caday Ka Qodidoona Ceel Biyood Ku Wareejisay Gudida Horumarinta Beelaha Cidagale‏

Hargeysa (Warsugannews) Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa shalay Riig Biyaha Ka qodi doona Deegaanka Banka Qoolcaday ku wareejiyay Guddida Guud Ee Beesha Ciidagale ee (Sahan Barwaaqo).

Waxaana Madashii Riigaasi lagu wareejinayay ku sugnaa , Wasiir ku Xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye , Taliyaha Guud Ee Ciidanka police-ka Somaliland Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan , Taliyaha Guud Ee Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Dayib Cismaan , Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Jeenayare , Madax dhaqameedka Deegaanka Banka Qoolcaday Iyo Qaar kamid Ah Dadka deegaankasi ka soo jeeda Ugu Horeen waxaa Halkaasi ka Hadlay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Daahir Cukuse , waxaanu sheegay in uu maanta halkan ku wareejinayo Riig ceel biyood ka bilaabi doona banka qoolcaday waxaana uu sheegay in maanta sirasmiya uu u bilaamay mashruucii banka qoolcaday

C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo arimahaassi ka hadlaaya ayaa yidhi, “Halkan Waxaa Taagan riigii mashruuca qoolcaday hawshiisa bilaabi lahaa inbadan ayaa deegaankaasi calafka xoolaha iyo biyahaba ka cawday,inbadan ayaa mashruucan tacab loogalay,inbadan ayay dadka dadka ka naxayaa ay jeclaayeen in ay dawladi ku guulaysato in ay halkaasi biyo ka qodo maanta riigii wakaas waxaana goob joog ka ah maanta salaadiintii cuqaashii deegaanka oo leh baligubadle iyo salaxlayba waxaa kale oo nala jooga gudidii deegaanka ee dhawaan la doortay mashruucaasina waa hirgalayaa ceelkaana waa la qodayaa saacadaa laga bilaawana riigaasi waxaanu ku wareejinay gudida beesha,cuqaasha iyo ciidamada amniga”

Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirkuxigeenka amniga Maxamed Muuse Diiriye Oo shabacanka deegaankaasi u soo jeediyay in ay la shaqeeyaan gudida lagu wareejiyay riiga qodi doona ceelbiyoodka laga hirgalinaayo deegaanka banka qoolcaday ee ka tirsan dagmada salaxlay

maxamed muuse diiriye ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Dalku Waxa uu u baahan yahay in uu biyo helo ama dhaan hanoqoto ama rig hanoqoto in aynu biyo helno oo dhulkeena hoos u eegno waa loo baahan yahay riiga halkaasi taagana waxa uu ka mid yahay mashaariicda ay xukuumadu dalka ka fulinaayso ee ay doonayso in ay biyo ugu soo saarto waxa uu tagayaa qoolcaday ceelkii waalagu dhufanayaa hawshaana waxaanu u igmanay gudidii beesha iyo ciidamada amniga hawshaasina sideeda ayay u soconaysaa wixii intaasi ka danbeeyaana hawlaha iyo mashaariicda laqabanayaa waxay noqonayaan kuwo dawlada u yaala”

Waxaa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Beelaha Ciidagale ee (Sahan Barwaaaqo) waxaana uu u mahad celiyay xukuumada isaga oo halkaasi ka balan qaaday in ay dhawaan ka bilaabi doonaan ceelbiyoodka laga qodaayo banka qoolcaday

Maxamed Muuse Gooni isaga oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi, “Aad ayaanu ugu mahad naqaynaa dawlada riigana waala wareegaynaa biyahana meesha waa ka qodaynaa ilaahay tiisana waa wakiilanaynaa amnigana dawlada ayaa ku shaqo leh”

Sida oo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay caaqil Xuseen Xasan Caliwaraabe oo ka mid ah cuqaasha ka soo jeeda dagmada salaxlay ayaa u mahad celiyay sida xukuumadu ugu hawlantahay sidii ay shacabkeeda ula damacsantahay in ay biyo uga soo saarto deegaanada salaxlay

Caaqil Xuseen Xasan Cali Waraabe waxaa hadaladiisi ka mid ahaa, “Sidaa uu wasiirku Sheegay riigii waa lagaynayaa waana laqodayaa ninka leh biyaha la soo saari mayo wax lagaayeelayo maaha waalaqodayaa dadka waxbaa loo tarayaa oo waa la noolaynaya ninka leh biyaha lama soo saarayo waa nin ka soo horjeeda horumarka dalka”

Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay mid ka mid ah madaxdhaqameedkii ka soo qaybgalay munaasibadaasi waxaana uu yidhi, “Halkan waxaa iskugu yimi madaxdhaqameedka labada beelood ee cidagale iyo arab oo ay hogaaminayaan wasiirka xanaanada xoolaha iyo jananka boliska qolada cidagale waxaan leeyahay ha isxigsiinina biyuhu waa inaga dhexeeyaan waawada qodaynaa dalkuna waa inaga wada dhexeeyaa mashruuci seeraha ee xidhnaana waa laraacinayaa”

DSC00979

DSC00985

DSC00986

DSC00989

DSC00994

DSC00995

DSC00998

DSC00999

DSC01000

DSC01004

DSC01005 (1)

DSC01005

DSC01007

DSC01008

DSC01013

DSC01015

DSC01019

DSC01022