Urur Samo-fal Oo Loogu Magacdaray Mujaahid Xasan Keyd lagu dhawaaqay shalay

0
631

Urur Samo-fal Oo Loogu Magacdaray Mujaahid Xasan Keyd

Hargeysa (Warsugannew)- Waxa shalay magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay laguna daah-furay urur samo-fal oo o loogu magac daray mujaahid ku weyn Somaliland, isla markaana ahaa shamacyadii ugu horreeyay ee ka soo hor jeestay midawgii lagu hungoobay ee lixdankii lagu raacay Soomaaliya.

Mujaahidka loogu magac daray ururkan waa mujaahidkii hogaamiyay hal sanno kadib ka noqoshada midnimadii habawday.

Ururkan samo-fal oo loogu magacday Xasan Cabdulle Walanwal (Xasan Kayd) ayaa ka shaqany doona arrimaha samo-falka, adeegyada bulsho ee aasaasiga ah, sida u gargaarida dadka jilicsan, gacan ka gaysashada Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada iyo kaabayaasha nolosha.

Xasan Cabdulle Walanwal oo ah mujaahidka ururkan loogu magac daray ayaa ka mid ahaa saraakiishii milatari ee ugu horreeyay ee reer Somaliland ee noqday askartii Ingiriiska, ee la odhan jiray Somaliland Iskoot.

Xasan Keyd waxa uu ahaa ALLE ha u naxariistee 1960-kii midawgii Somaliland iyo Soomaaliya, saraakiishii sida adag uga soo hor jeeday ee saluugsanaa midnimada aan shuruuda lahayn ee Xamar lagu tagay,

Mujaahid Xasan Cabdulle Walanwal (Xasan Kayd) iyo saraakiil kale oo uu hogaaminayay waxa ay sannadkii 1961-kii bishii December isku dayeen inqilaabkii dhicisoobay ee ay doonayeen in ay dib ugula soo noqdaan madaxbanaanida iyo qarannimada Somaliland. Fashilkii inqilaabkaasi ka dib Xasan Keyd iyo saraakiishii kaleba waxay galeen xabsi ay muddo ku jireen.

Mujaahid Xasan Cabdulle Walanwal (Xasan Kayd) waxa uu ka mid noqday saraakiishii milatari ee ugu horreeyay ee halgankii SNM dabka u shiday, isaga oo ururkii SNM ka soo qabtay xilal kala duwan.

Sannadkii 1991-kii, Mujaahid Xasan Cabdulle Walanwal (Xasan Kayd), waxa uu ahaa taliyihii ciidan ee qabtay gobolka Togdheer, isla markaana wuxuu noqday guddoomiyihii gobolka Togdheer ee dhigay gogoshii nabadeed ee ay beelaha reer Somaliland ku heshiiyeen. Iyada oo ay dalka ka jiraan duruufo adag iyo mid dhaqaale, isla markaana qof kastaa qori sito ayuu mujaahidku awooday in uu gobolka Togdheer oo uu badhasaab ka ahaa lagu qabto shirkii ugu horreeyay ee beelaha Reer Somaliland . waxaanu ku guulaystay oo uu nasiib u yeeshay hamigiisi 1961-kii in lagaga dhawaaqo qarannimada Somaliland gogoshii uu isagu dhigay.

Mujaahid Xasan Cabdulle Walanwal (Xasan Kayd) waa mujaahid, halgamaa ah oo aanay taariikhda qaranka Somaliland marnaba ilaawi doonin.