Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Qoysaskii iyo Shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Dadkii ku geeriyooday Shilkii Baabuur ee shalay ka dhacay Qoyta

0
291

Mdaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Qoysaskii iyo Shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Dadkii ku geeriyooday Shilkii Baabuur ee shalay ka dhacay Qoyta

TACSI MADAXWEYNE KU XIGEEN-08/05/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoysaskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen dadkii shalay ku geeriyooday shilkii naxdinta lahaa ee ka dhacay 07/05/2016 inta u dhaxaysa degmada Sheekh iyo Burco kuna naf waayeen todoba ruux oo dhalinyaro ah.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumiinta Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.