Waxaan Hayaa Xalka Tahriibka Q1aad

0
883

Waxaan Hayaa Xalka Tahriibka-Q1aad
Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Waan ka raaligalinayaa akhristayaasha dibu-dhaca ku yimid maqaalkan oo daba socda maqaal hore (Ma Dambiilayaalbaa Mise Waa Halyeeyo?) mashquul jiray awgeed, iyadoo fahanka maqaalkani aanuu suuragal ahayn ilaa iyadoo lala akhriyo maqaalkaasi hore.

Ka hadalka tahriibka siiba nuxurkii uu xambaarsanaa maqaalkii hore wuxuu I xasuusiyay muxaadaro aan ka jeediyay masaajidka cali mataan sannadkii 2013-kii, habeen jimcuhu soo galaayay oo ah habeen masaajidkaasi aad u camiran yahay, anigoo kaga waramay arrinta tahriibka, kaasoo aan ugu talo galay in aan u qaybiyo laba qaybood oo kala baxaaya laba habeen oo kala duwan, balse taasi ma suuragalin, sababtoo ah waxaan qaybtii hore ugu talo-galay in aan soo bandhigo qiilal iyo xujooyin dhab ah oo ka dhigaaya tahriibka arrin dhalinyarada u fiican, markii aan muxaadaradaasi 1aad dhammeeyay waxaan arkay sawaxan iyo buuq weyn oo uu dhaliyay hadalkaygii, taasoo kaliftay in aan iska daayo in qaybtii 2aad aan dhamaystiro.

Sidaa awgeed waxaan wali rumaysanahay in shaybaadhka iyo dawayntu aanay kala maarmi karin, markaa maqaalkii hore waa shaybaadhkii kanina waa daawayntii.

Xalka tahriibka ee aan halkan ku soo bandhigaayo waa tahriibka ka dhasha rajo-beelka, oo aan aaminsanahay inuu sabab u yahay ku dhawaad 90% dhalinyaradeena tahriibta, laakiin xalkani kama waramaayo tahriibka ka dhasha jacaylka ay dadka qaar jecel yihiin dhoofka iyo inay wadamo kala duwan arkaan, iyadoo taasi ay tahay dabeec bini aadanimo, oo dadka qaarna aad ugu sii xoogan, mana fiicna in dareenkaasi la mamnuuco balse waa in la fudaydiyaa.
Tusaale ahaan: haddii dadka Hargeysa jooga laga mamnuuco inay tagaan Burco, waxay arrintaasi ku kalifaysaa dad aan u baahnayn inay Burco tagaan inay u heloobaan tagista magaaladaasi, maadaama dabeeca bini aadamku uu yahay mid jecel waxa loo diido, xita haddii uu wax yeelo ku jiro (Nabi aadam oo loo fasaxay dhamaan dhirtii jannada oo loo diiday geed qudha, taasoo dabeeca aadanimo uu ku kalifay inuu geedkaasi u hanqal-taago oo uu aakhirkii cuno).
Markaa waxaan uga socdaa sawirka mamnuucida ah ee la mamnuucaayo (Tahriibka) dhoofka ay muwaadiniinta JSL u dhoofaayaan wadamada kale waa mid laftiisu wax ina yeelaaya, laakiin waxa wax ina taraaya waa sidii loo abuuri lahaa rajo wanaagsan oo la hadhsado.

“Nafta waxaan ku sasabaa rajada oo aan ku sugsiiyaa…. Noloshu cidhiidhi badanaa haddii aanay jiri lahayn Rajadu” sida uu sheegay Al-Durqaa’I oo ahaa gabyaa carbeed.

Aqoon yahan Talyaani ah oo lagu magacaabo (Pareto) ayaa dajiyay aragti ku qotonta (20% – 80%), taasoo macneheedu tahay, in 80% mushkiladan taagan ay ka dhalatay 20% oo qudha arrimha sababay, halka daawaynta 20% -ka ugu muhiimada badan uu dawaynaayo 80% mushkilada ballaadhan ee bulshada haysa.
Sidaa awgeed anigu waxaan aaminsanahay in sababta ugu weyn ee dhalisa mushkilada tahriibka ay tahay rajo-la’aanta, xalka ugu fiicanna waa rajo-abuurida.

Aragti uu soo bandhigay aqoon yahan lagu magacaabo Maslow oo uu u bixiyay qaab-dhismeedka baahiyaha, ayaa sheegay in bini aadamku ay baahiyihiisu nidaamsan yihiin oo aanu u hanqal-taagin baahi ilaa uu tii ka hoosaysay uu haysto, baahiyahana wuxuu u qaybiyay 1. Aasaasi: (Cunto, hoy, hug), 2. Nabadgalyada, 3. Baahida inuu bulsho yeesho oo uu cid ka tirsanaado, 4. Baahida qadarinta iyo ixtiraamka iyo inuu magac iyo sumcad fiican yeesho, 5. baahida inuu gaadho ahdaaftiisa fog oo uu dareemo inuu noqon karo waxa uu doonaayo.

Haddii aad aragtidaasi u fiirsatid waxaad fahmi kartaa sababta tahriibka quusta u eeg uu u badan yahay maanta, halka aanuu u badnaan jirin sidan oo kale markii ay taagnaayeen dagaaladii kala duwanaa ee dalka soo maray.
Hal arrin ayaan aaminsanahay inay rajada abuuri karto, taasoo ah in la is-waafajiyo (nolosha dalka iyo xaalada dalka).

La Soco Qaybta 2aad …….