Hayn la’aan ma heli kartaa Haweenay? Waxa Qoray Cumar Seerbiya

0
377

Hayn la’aan ma heli kartaa Haweenay? Waxa Qoray Cumar Seerbiya

Hayn la’aan ma heli kartaa Haweenay? Waxa Qoray Cumar Seerbiya
Adiga gabadha ah ayaan kugu horaysiinayaa weyndiiinta,e marka uu wiil ku yidhaahdo arrin guur ma wada galnaa amaba uu si uun kuula soo hadal qaado, waxa ugu horeeya ee kugu soo dhacaa saw maaha lacag la bixinaayo oo ay ehelkiinu qaadan doonaan iyo adiga oo ka dhaqaale roonaan doona hebalaayadii aan wali la guursanin ee aad saxiibka ahaydeen , saw kuma fikirtay qurux kugu soo kordhi doonta oo ay sababayso daryeelka uu saygaagu dhaqaalihiisa kugu fidin doono.?
Inta aanay ii jawaabin adigana aan ku weydiiyo wiilyahaw ,
Hebaalyo waad is jeceshihiin oo aniga , adiga iyo iyo iyaduba waynu oganahay balse aniga iyo iyadu isma weydiino ee adigu maalinkii aad ku tidhi heblaayo waan ku calmaday oo guur ayaan kaa rabaa “ Saw may ahayn waxii ugu horeeyey ee ay ku weydiisay hantaada dhaqaale ee gaarka kuu ah ta ehelkiina , iyo ta aad iyada la rabto? Saw kulanka la yeelanayo inta aan heshiiska la gaadhinba , ilaa guriga la degaayo intuba lacag uun lama hadal hayo ?.
Sheeko nuxurkeedu sidaasi u dhignaa waxay na dhex martay wiil Taksiile ah oo inta uu meel Hargeysa ka mid ah iga qaaday meel kale oo isla Hargeysa uun ah i geeyey , ninkani waa nin iska cawlan/ dhaqaale la’aani ka muuqato waxa uu xidhan yahay macawis iyo kabo dacas ah waa arooryo hore , sidaan filaayo mabuu quraacan oo xalayba waxa uu dhex seexday baabuurkan yar, aniga oo aan xataa weydiinin ayaan gartay inuu isaga uun ka soo dhex toosay .
Waan is baray qofkaan ahay, isna si laab furnaan ah ayuu iigaga sheekeeyey xaaladiisa iyo inuu qoyskoodii miyi kaga yimi toban sanno ka hor waqtigaasi oo da’diisu ahayd 11 jir , waxa uu soo dhex qaaday mawjado kala duwan oo nolosha midabo kala duwan u leh, waxa uu soo ahaa Hoteele , Kirishbooy waqtigana waxa uu wadaa Taksi qof uga damiin yahay haweenay iska leh , ma jirto xaafad iyo guri uu ku tiirsan yahay , waxa uu shaqeeyaa wax ka yar 15 dollar maalintii 10 waxa iska leh haweenayda mulkiilaha ah , laba shiidaal ayuu ka dhigtaa halka
3-da saddexda dollar ee kale uu hadba noloshiisa dhinac kaga daboolo.
waxa ugu weyn ee uu ku hamiyayaa waa inuu helo Haweenay uu guursado waliba mid loo raadinayo maaha ee wuu hayaa balse hal mushkilad ayaa haysata oo ah gabadhu waxay jeceshay adduunka waa sida aan afkiisa ka qaadaye .
Waxaan ku idhi ka hor inta aanu xaalkiisa iiga waramin ee uu ii sheegay inuu gabadh jecel ayahy “ Maxaad u guursan weyday ?
Markaasi waxa uu iga codsaday in aan wiil iyo gabadh inta xaga sare ee sheekada ku qoran aan u weydiiyo ee uga jawaaba .