War degdeg ah: Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo magacaabay Masuuliyiin doora iyo Xilalka ay qaban doonan

0
414

Ku: Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) = Hargiesa =
Ku: Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) = Hargiesa =
Ku: Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan) = Hargiesa =
Ku: Xildh. Axmed Xasan Aadan (Axmed Waysacadde) = Hargiesa =
Ku: Yuusuf Cismaan Faarah = Hargiesa =
Ku: Aniisa Nuur Cigaal = Hargiesa =
Ku: Maxamuud Axmed Ibraahim (Sandheere) = Hargiesa =
Og: Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye = Hargiesa =
Og: Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye = Hargiesa =
Og: Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamud = Hargeisa=

Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Xisbiga Kulmiye iyo Buuxinta Xubnaha Guddida Fulinta ka bannaannaaday.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE kadib markuu arkay xilalka bannaannaaday ee guddoomiye-ku-xigeennimo iyo Guddida Fulinta ee lagu ansixiyey Shirweynihii 3-aad ee xisbiga.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey xubnaha Hoggaanka Xisbiga iyo cidda kale ee ay khusayso.

Kadib markuu arkay muhiimada buuxinta xilalkaa bannaani u leeyihiin waqti xaadirkan habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, si aannu xawligoodu isu dhimin, waxa uu go’aamiyey:

– In Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka labaad (2-aad) ee xisbiga KULMIYE.

– In Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) – ahna sidoo kale Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE, laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

– In Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

– In Xildh. Axmed Xasan Aadan (Axmed Waysacadde) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.
– In Yuusuf Cismaan Faarah – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

– In Aniisa Nuur Cigaal – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, ay ahaato xubin Guddida Fulinta ah.

– In Maxamuud Axmed Ibraahim (Sandheere) – Laga bilaabo maanta, June 1st, 2016, uu ahaado xubin Guddida Fulinta ah.

Dhammaan masuuliyiinta xilalka kor ku xusan loo magacaabay waxa lagu ansixin doonaa shirka Golaha Dhexe ee ugu horeeya. Xil gudasho wacan.

Magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad iyo Guddida Fulinta (page2) - June 1 2016 - page 2

Magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad iyo Guddida Fulinta (page1) - June 1 2016

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

____________________________________
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Email: kulmiyepartychairman@gmail.com
Telephone: +25263 4026659, +25263 4412131, +25263 4240050,
Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.