Qiso Cajiiba Nin Mar Wada Guursaday 13 Haweena, Marna Uur Wada Qaaday

0
447

Qiso Cajiiba Nin Mar Wada Guursaday 13 Haweena, Marna Uur Wada Qaaday

Hargeysa (Warsugann) Sheeko Cajiiba Nin ayaa 13 haween ah Hal Mar wada guursaday iyadoo Dhamantood Ay Hal Mar Wada Uuraysteen waa sheeko Jabisay Buugii Dhacdooyinka Sheekadan ayaa dhacday kadib markii Nin Kasoo jeeda Qaarada Aasiya Uu Hal Mar wada Guursaday 13 Haween ah Oo Waliba Saaxiibo ah Dhamaantood Ku faraxsan Guurkan Iyo Inay Noqdaan xaasaska Ninkan Balse Sheekada Xiisaha Leh ayaa Noqotay Kadib Markii Dumarkii Hal Mar Uur wada Yeesheen Iyagoo Sifiican Ugu Farxay marxaladan cusub Soona Dhaweeyay .

taasoo Markii ay mar xaladani Soo korodhay Ninkii Iyo Xaasaskiisii hal ugu dabaal dageen Dunidana La wadaageen Qisada Xiisaha Leh? Dumarkan Mid kasta oo kamid ahi Waxay ula macaamishaa ula sheekaysata tan kale si wacan oo Dareen Wanaagsani ka muuqdo. Inkasta oo Wadankan Ay Sharci ka tahay guurkan noocani oo aanay xiiso gaar ah lahayn balse arinta xiisaha leh ayaa noqotay tan Uurka oo hal mar soo jeedisay indhihii caalamka waayo ninkani wuxuu noqonayaa ninkii ugu horeeyay Ee Haweenkiisu hal mar uur wada yeeshaan .

Inkastoo aanay Ahayn Wax lala Yaabo oo ay tahay Qadar Alle Swt balse arinta Aadka uxiisaha Leh ayaa noqonay Dumarkan iyadoo dumarku uurka wada qaadeen hal mar halkii ay ka ahayd inay 3 ama 5 isbuuc ugu yaraan udhaxayn lahayd Uurkooda balse alle swt Wuxuu Qoyskan u Sahlay Inay hal Mar U Uur galaan 13 Qof oo uu Qoysku sanad Gudihii ku Noqdo Qoys Balaadhan.