Waraysi: Afhayeenkii Hore Ee Madaxtooyadda Somaliland Oo Hadlay Sifuha Uu Qurbaha Ku Tegay + Heshiiska Dekeda Berbera Sheegayna Inuu Dhawaan Xisbi Ku Biirayo

0
526

Waraysi: Afhayeenkii Hore Ee Madaxtooyadda Somaliland Oo Hadlay Sifuha Uu Qurbaha Ku Tegay + Heshiiska Dekeda Berbera Sheegayna Inuu Dhawaan Xisbi Ku Biirayo

Muxuu ka yidhi balaadhinta Dekada Berbera + Wada shaqayntii Isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo + Jawaabta inuu tahriibay

Hargeysa (Warsugan) Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa Waraysi gaara oo uu siiyey Wargeyska Warsugan waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin halka uu ku sugan xaalada qurbaha, heshiiska Xukuumada Somaliland la gashay shirkada DP World oo maalgelin ku samayn doonta Dekeda Caalamiga ee Berbera, sidoo kalena waxaa uu ka dhawaajiyey mustaqbalkiisa siyaadadeed isagoo carabaabay inuu dhawaan ka soo muuqan doono qaar kamida Xisbiyada Siyaasada Dalka.

Ugu horaynba Axmed Saleeban Dhuxul oo aanu waydiinay halka uu ku sugan wakhtigan iyadoo beryahaa lays waydiinayey halka uu ku sugan yahay iyo inuu tahriibay oo uu yurub sidaas ku galay ayaa sheegay inuu joogo wadanka France, wuxuna yidhi “ aad iyo aad baad u mahadsan tahay walaal, waxaan joogaa Wadanka Faransiiska halkaas oo aan deganahay hadda, in muddo ahna aan joogay waxanan aad ugu mahad naqayaa sida fiican ee laygu soo dhaweeyey Waddanka Faransiiska, markaa halkanan deganahay mudana deganaan doonaa insha Allah” “

Wargeyska oo waydiiyey Wararka sheegaya inuu qurbaha tahriib ku galay oo qaar ka mida Warbaahinta Somaliland qortay ayaa ku jawaabay “ Walaahay qurbaha tahriibta loo galaa qurux maleh, masoo tahriibin, tahriibna yurub kuma iman diyaaradaan Hargeysaka soo raacay ayaan yurub kusoo galay wax tahriiba oo aan halkan ku imi ma jiro, haddii meel layska dhiibayo ama meel loo tahriibayana Maraykan iyo Canada-ba waan tagoo waan ka imi markaa ilaa imika nasasho uun baan u joogaa dalkan Faransiiska, qofku wuxuu habi ku yahay oo uu wax ku yahay qofku oo uu magac ku leeyahay qofku oo uu sharaf ku leeyahay waa inuu dalkiisa si qiimo leh u joogaa wuxuu tari karo ka taraa cidii wax tari kartaba uu dalkiisa wax ku taraa siyaasi ha noqdo ama qof shacaba ha noqdo qofna qurux kuma leh inuu wadan shisheeye ku noolaadaa”

Mudane Dhuxul oo aanu waydiisay Xaalada qurbaha wuxuu yidhi “ Walaahay qurbuhu waa taws iyo dhibaato waxa lagu jooga horaan kugu sheegoo qofna qarankiisa wax u dhaama ma jiro, duruufo kala duwana halkan waa lagu nool yahay laakiin qof walba waxaan ogahay oo riyadiisa ku jirta inuu wadankiisii ku taamayo qofna halkan uu ku qanacsanayn sabab loogu soo ordaa iyo sabab halkan loo yimaadaa ma taal, sidii hadraawi yidhi qurbaha ninka yimaadaa wuu iswaayayaa hadaad iswaydana waa mushkilad weeye markaa qurbaha waa laysku waayaa laakiin qarankaga laysku helaa joogitaankiisa”

Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleeban Dhuxul wuxu taageeray guulna ku tilmaamay heshiiska Dawladda Somaliland la gashay Shirkada laga leeyahay Wadanka Imaaraadka Carabta Ee DP World oo uu ku tilmaamay heshiis taariikhiya isagoo ka hadlaya islamarkaana hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Heshiiskaasi waxan u arkaa horta marka ugu horaysa waa wixii ugu weynaa marka laga hadlaayo dhinaca maalgashiga qaranka somaliland intii uu jiray waa wixii ugu weynaa baan qabaa anigu, sideena dunidan aynu ku noolnahay qaran meel taagan iyo ummad meel taagan oo aan xidhiidh dawlado kale la lahayni ma jirto dunidu waa “Globalization” waxay ku dhisan tahay xidhiidho dhaqaale kuwo siyaasadeed iskaashiyo doceed ayey ku dhisan tahay, taasa dunidu duni ku tahay, dalkaagu wuxuu hayo dalal kale oon dalkaaga ahayn ayaa laga yaaba inay ka faa’idaystan.

Waxan qabaa guul inay tahay sharaf inay tahay waa taariikh wadankan Somaliland usoo korodhay maalgelin noocaas ah oo dalkeena la geliyo waxaana ku amaanan Madaxweynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Safiirka Dalka Imaaraadka Amb Bashe iyo weliba Cali Xoor xoor oo ah isagu nin khibrad iyo waayo aragnimo u leh wixii dekeda Berbera u dan ah, Berbera waxay ku taalla ama Somaliland meel istiraatiijiya halkaa hadaynu caqligeena iyo garashadeena iyo aragtideena aynu odhan kari wayno halaynooga faa’ideeyo meel aynu ku socono garan maayo.

Markaa waxan u arkaa inuu yahay heshiis la asiibay wax badana dhaqaalaha ka taraya, shaqo abuurista ka taraya ummaddan dalka kasoo yaacaysa dhalinyarada ku haynaya maadaama shaqo la abuurayo itoobiya looga sii faa’idaysan karo, markaa waxaan u arkaa heshiiskaasi somaliland gashay inuu yahay “Investment” ugu weyna ee uu dalkani galo intii uu jiray cidna keligeed meel ma taagnaan karto aduunyadu maanta waxay isku wada haysataa waa dhaqaalahasi, dhaqaalihii iskaashi buu ku imanayaa wadanba wadan buu is waydaarsanayaa markaa xagii shaqadii iyo dhaqaalihi iyo maalgashigiiba waxbuu ka tarayaa bad ahaan waxbuu ka tarayaa siyaasiyana waxbuu ka tarayaa, Shirkadani waa shirkad weyn oo dekedo badan maamusha “Capacity” uleh oo waxay leedahay wax ku qaban karto markaa aaminaada ay inna aamineen iyo inaynu innagu saaxad wanaagsan oo nabadgelyo ah aynu diyaarinay ayaa qaranka wax u taraya inaynu si fiican uga wada faa’idaysano aad baan u qabaa fikirkaa”

Afhayeen Dhuxul oo ka jawaabaya mustaqbalkiisa iyo doorkii wada shaqaynayd ee isaga iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, wuxu yidhi “ Runtii waxa muhiima Rajada qof leeyahay ama kooxi leedahay waxaa ka weyn Rajada Qaranimadu leedahay, qaranimadaa wax deeqda qaranimadaa rajadeedu inna wada qaadaysa, markaa in runtii laga fikiro uun bay guud ahaanba rajadaa qaranka ay tahay in lays barbar taago, Siyaasiyan Anigu Dhawaan Xisbi baan ku biirayaa Saddexda xisbi ee maanta jira mid kamida ayaan ku biirayaa oo aan u arko nabadu in aanay ka diidayn nabadu inay dugsanayso markaa insha allaah kaasna dhawaan ayaan sheegi doonaa, runtii waxaan ku faraxsanahay markii aan xilka ka tegay ilaa imika iyo intii ka horaysaba Siilaanyo muddo dheer baan lasoo socday sidaa uu wax u qabtayna rajadii wixii aan u arkaayey uun baa illaahay ka dhigay qof wax qabtay oo qarankiisii wax u qabtay ayuu illaahay ku ilhaamiyey illaahay ha ka jasaaisiyo isagana, inta Axmed Maxmed siilaanyo halkaa joogo mucaaridnimo ama eray mucaarida oo aan ku durayo Xukuumadaa uu Madaxda ka yahay dhici mayso mana jirto ilaa hadda”

Ugu danbayntiina Mr Dhuxul wuxu bayaamiyey inuu qorshihiisu yahay inuu dalka yimaado qarankiisana u shaqeeyo markale wuxuu yidhi “ Qorshahaygu ugu danyn waa inaan qaranka imaadaa wixii aan ku tari karo aan ku taraa aad baan habi ugu ahaa oo ugu qanacsanaa mudadii aan soo shaqaynayey een qaranka usoo shaqaynayey inaanan waxba ka hagran, qarankaasi wixii aan islahaa waxbaad u qaban karaysaa inaan u qabtay, imikana qaranku qofna inaanu ka maarmayn aad baan ugu mahad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo mudadii uu xilkaa hayey iyo wixii uu qarankaa ka qabtay iyo ummadda reer Somaliland u qabtay taariikhdaa xusi doonta meel walbana waan ka sheegaa waxaa kamida Jididka, Dhaqaalaha, “Institution” ka dawligaa la hgaajiyey taa imika maalgelintaa dawladnimadii sharaftii iyo karaamadii buu soo celiyey illaahay isagana haka jazaaisiiyo intii wax la qabatay ee si daacada wax ula qabatay illaahay ajar haka siiyo. Waxaynu u baahanahay dal baynu u baahanahay ubadkiisa insha allaah uga taga dhaxal taariikhiya aanay caloosha inoogu qaban waalidkiiniibaa waxba idiin abuurin, waxaynu doonaynaa ilmaha somaliland ee qofka ladani dhalay keena dadkeena aan waxba haysan dhaleen inay isku maqaam noqdaan baynu doonaynaa oo qaranimada labadoodaba sinaan u samayso ayeynu doonaynaa, waxaynu doonaynaa oo aynu ka ordaynaa cidkasta oo nabada Somaliland ay ka didayso waa inaynu ka oodnaa waxaynu u baahanahay cid nabadu dugsato cid ummadda isku wada, nabadu cid ay ku tiirsato ayey u baahan tahay uma baahnin cid nabadu ka dido uma baahni cid dalkeena iyo dadkeena dhib u keenta”
Waraysigan oo ahaa mid dheer waxa qaaday weriye Shiine oo ka mid ah bahda Warsugan Media Group