Baaq Nabadeed oo ka yimid Aqoonyahan Jaamac Jiir

0
501

Hargeysa(Warsugannews)Aqoonyahan Jaamac Jiir Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Colaaddu Ku Dhexmartay Deegaanka Yeyle
Hargeysa, Somaliland – Aqoonyahan Jaamac Cilmi Siciid (Jaamac Jiir) ayaa Baaq nabadeed u diray Beelaha colaaddu ku dhexmarayso deegaanka Yeyle oo ka tirsan gobolka Sool, waxaanu ugu baaqay inay joojiyaan collaada wixii dhexyaalna ku dhamaystaan wada-hadal.

Aqoonyahan Jaamac Jiir waxa uu tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadka ilaa hadda la weriyay inay colaadaas ku kala dhinteen, waxaanu dagaalkaas ku tilmaamay mid ah Kugu dhimay oo kaa dhimay.
Jaamac Jiir oo ka mid ah aqoonyahanka ka soo jeeda deegaankaas colaadu ka taagan tahay ayaa baaqan nabadeed oo uu ka soo saaray Hargeysa oo uu hadda joogo waxa uu ku yidhi sidan;

“Anigoo ka mid aqoonyada reer Somaliland waxaan ka xumahay dagaalkaa ku dhexmaray beelaha wallaalaha ah ee wada degga deegaanka Yeyle ee gobolka Sool, waxaanan ugu baaqayaa inay colaadda joojiyaan, waayo, dagaalka wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho, waana kugu dhimay oo kaa dhimay. Ta kale waxaa la yidhi Fidmadu way hurudaa, illaahay baana nacdalay cidii toosisa.

Dhinaca kale waxaan tacsi u dirayaa dadkii dhintay eheladoodii iyo qaraabadoodii iyo gebi ahaan shacabka Somaliland, inta ku dhaawacantayna Illaahay ka caafiyo.

Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaan beelahaasi in la dhaafay xilligii qorigu shaqayn jiray, oo hadda la marayo xilligii horumarka, ee ka qayb-qaata horumarka ka socda Somaliland iyo badhaadhaheeda, hana is-dillina xilligan lagu jiro barwaaqada ee Illaahay inoo shubay Raxmaadkiisii ee nimcadiisa ku shuuriya.
Ta kale shicibka waxaan ugu baaqayaa inay dambiilaha iska soo dhex qabtaan oo aanay taageero siinin, waayo si aanu u galaafan shacabka kale oo aan waxba galabsan oo waxa la yidhi dab munaafaq shidday Muumin baa ku gubta. Sidoo kalena la iska daayo dhul-daaqsimeedka la oodanayo ee sababta colaadanina ka dhacday ee lagu dilay Marxuumka, waayo, dhulka lamma kala xigee waa la wada leeyahay.

Ugu dambayn waxaan ugu baaqayaa dhammaan Waxgaradka, Culimaa’udiinka, Salaadiinta iyo Xukuumadda Somaliland inay wax ka qabtaan oo ay joojiyaan dhiigga daadanaya bishan Barakaysan ee Ramadaan.”