Xus Balaadhan Oo Loogu Ducaynaayey Mujaahidiintii SNM Oo Caawa lagu qabtey magaalada Hargeysa

0
381

Hargeysa(Warsugannews)Xus Balaadhan Oo Loogu Ducaynaayey Mujaahidiintii SNM Oo Caawa lagu qabtey magaalada Hargeysa
Ducaynaayey Mujaahidiintii SNM Ee U Nafwaayey Dibu Xoreyntii Dalka ayaa caawa lagu qabtey magaalada Hargeysa .Xuskan ayaa waxaa soo qabanqaabisay Jimciyada Waxbarashada Diiniga iyo Qaban-qaabinta Xusaska iyo Xafladaha Diiniga iyo Hormarinta Bulshada ee Jimciyatul Axbaab.

Xuskan Diiniga ah ayaa ah mid ay Jimciyatul Axbaab Qabato Sanadkiiba Hal Mar gaar ahaana 15-Ka bisha ramadaan kaasi oo loogu Duceeyo Allah ha u Naxariistee Shuhadadii SNM. Ee u Nafwaayey Halgankii dheeraa ee Dib u Xoreyntii Dalka.

Iyadoo Lagu Qabto Sanad walba Maqaamka Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi Nuur oo ku yaala Xaafada Qudhac dheer ee Magaalada Hargeysa isla markaana ahaa ah halkii laga aasaasay halgankii dalka dib loogu xoreeyey iyadoo islamarkaana xaruntan ayaa ahayd halkii bar-kulanka u ahayd Hogaankii sare ee Mujaahidiintii dalka xoreynaysay xiligii ay dalka u halgamaayeen ,Mujaahidiintii Majliskan ku kulmi jirey ayaa waxa ka mid ahaa Mujaahid Sayid C/laahi Xaaji Cilmi Nuur oo ahaa Sheekha Majliska aasaasay ila markaana Hagaha guud u ahaa,

Xuskan oo ah mid loogu duceeyo sanad walba ayaa waxa kasoo qayb-galay Gudoomiyaha guud ee Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid C/laahi Xaaji Cilmi Nuur oo uu dhalay Sheekhii Majliskan Axbaabta aasaasay iyo Culimo u diin kala duwan iyo Marti Sharaf kale oo tiro badan

Culimadii iyo Bulshadii kala Duwanayd ee ka soo Qayb gashay Xuskan ayaa dhamaantood u Duceeyey Mujaahidiintii u Naftooda u Hurey Halkii Adkaa ee Dalka lagu Hantiyey iyagoo ilaahay Uga Rajeeyey inuu Naxariistii Jano ka waraabiyo intii Geeriyootay inta Xanuunsanaynsana illaahay Caafimaad u waydiiyey Sidoo kale Bulshadani waxay ku dheeraadeen Doorkii Goobtan Xuska lagu Qabtey ku lahayd Halgankii Dalka lagu Xoreeyey.

Xuskan ayaa waxaa soo gunaanaday Gudoomiyaha guud ee Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid C/laahi Xaaji Cilmi Nuur waxaa uu ugu horeyn uu u duceeyey Culimadii hogaaminaysay halgankii Hubaysnaa ee dalka lagu xoreynayey ee naftooda u hurey,waxaanu tilmaamay in ramadaan kasta shan iyo tobankeeda laga Xuso Majliskan Axbaabta isla markaana la wadi doono inta ka hadhay ramadaan oo dhan,

Maxamed Jiciir Aw-Axmed
Repoter-
Mobile: 063- 4130339
Email:maxamed.jiciir@gmail.com