Labada Beelood Ee Ku Dagaalamay Deegaanka Bacaha Oo Nabadayn Buuxa Lakala Dhex Dhigay + Sulaadiinta Iyo Cuqaasha Labada Dhinaca Oo La Dhaariyey

0
293

Labada Beelood Ee Ku Dagaalamay Deegaanka Bacaha Oo Nabadayn Buuxa Lakala Dhex Dhigay+ Sulaadiinta Iyo Cuqaasha Labada Dhinaca Oo La Dhaariyey

Ceel Afweyn(Warsugannews)- Waftidii Uu Hogaaminayey Wasiiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ee arrimaha nabadaynta u joogay deegaanka Bacaha oo ka tirsan Degmada Dararweyne ee Gobolka Sanaag ayaa maanta ku iskugu yeedhay sulaadiinta cuqaasha iyo wax garadka labada ardaa ee dhawaan dirirtu ku dhex martay Bacaha halkaasi oo dagaal ku dhex maray kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac labadaba.

Waftida saaka shir iskuyeedhay labada ardaa ee deegaankaasi dirirtu ku dhex martay iyo gudida nabadaynta waxaana isla goobtaasi lagu dhaariyey 50 oday oo kamida sulaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka labada ardaa ee deegaankaasi dirirtu ku dhexmartay.
Ugu horayn wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland oo Shirkaasi furay ayaa labada beelood si miisaan leh ula hadlay iska sheegay in manta ay sadex xaalo uga fadhiyaan kuwaasi oo kala ah .

1-in laba bilaabo caawa ay si bilaa shuruuda ku kala raraan maleeshiyaadka Hubaysan ee kazoo kala jeeda labada beelood
2- in beel walba laga dhaariyo 25 oday oo ah mudanta reerka inay qaadanayaan nabad oo dadkooda iyo beeshoodana nabadaa u qaadayaan
3- in ciidamada milatariga iyo birmadkuna fasax u yihiin laga bilaabo maalinta barri inay cidii ay hub ku qabtaan kala wareegaan iyagana xabsiga u taxaabaan
Dhinaca kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirada gaashaandhiga iyo dib u dajinta oo iyaguna wasiirka arrimaha gudaha sidaasi ku raacay.

Ugu danbayntii ergada labada ardaa ayaa qaatay go’aamada loo joo jeediyey iyaga oo ajiibay go aanka wasiirada isla markaasi beel walba waxaa isla goobta gacanta loogu saaray kitaabka quraanka kariiimka ah iyaga oo shan shan loo dhaariyey 50 ka oday oo 25 odayba dhinac yihiin.

IMG_4122

IMG_4126

IMG_4346