Madaxweyne ku xigeenka oo shacbiga iyo maayar ku xigeenka Caasimada ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Maxamed Cabdi Samatar (Bidixle)

0
364

TACSI MADAXWEYNE Ku-Xigeen:05/10/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(WSN)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha Madaxweyne Somaliland, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLA ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Samatar (Bidixle) oo maanta (05.10.2016) ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Marxuumku wuxuu ahaa oday rug-cadaa ah oo si weyn uga soo qayb qaatay dib u dhiskii dalka, gaar ahaan xagga Nabadgelyada iyo horumarinta Bulshada. Marxuumka waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mid ahaa dhisma Hargeisa Stadium. tacsi taa la mid ahna waxa uu madaxweyne ku xigeenku u dirayaa Maayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa oo marxuumku sodogii ahaa.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.