Soomaaliweyn Siday Ku Timid Iyo Diidmadii Soomaaliya W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
596

Soomaaliweyn Siday Ku Timid Iyo Diidmadii Soomaaliya
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Sannadkii 1948-kii shirkii Qaramada Midoobay ee ka dhacay magaalada New-york ayuu wasiirkii arrimaha dibada ee Ingiriiska ee wakhtigaasi oo la odhan jiray Ernest Bevein ayaa shirka ka soo jeediyey talo ah in loo ogolaado dawladda Ingiriiska inay dhulka ay degan yihiin Soomaalidu uu hoos yimaado gumeysigii Ingiriiska, maadaama oo ay gacanta ku hayaan afar qaybood oo Soomaali degto. Wakhtigan wuxuu Ingiriisku gacanta ku hayey Soomaaliya oo uu ka qabsaday Talyaaniga, Soomaalida Kiiniya, Soomaalida Itoobiya iyo Soomaalilaan oo hal meel laga maamulo. Arrintaasi uu soo jeediyey wasiirku waxa markiiba ganafka ku dhuftay dawladdii Midowga Soofiyadka, oo Igiriiska ku eedeeyey in uu ballaadhsanayo dalalka uu gumeysto. Dabadeed Qaramada Midoobay ayaa oggolaatay in guddi ka kooban afar dawladood ay tagaan Muqdisho, si ay u soo oggaadaan waxa ay dadka Soomaalidu rabaan.
Weftigii soo Qiimaynta Fikirka Soomaaliweyn
Guddigii ay soo direen Qaramada Midoobay ayaa u ambabaxay dhinacaa iyo magaalada Muqdisho , waana fursadii ugu fiicnayd ee soo marta dadka af-soomaaliga ku hadla ee degan geeska afrika. Weftigii ayaa ka degay Muqdisho, waxaana loo diyaariyey casuumado iyo weftiyo ka kala socda meelaha ay Soomaalidu degto, sida Soomaaliya iyo Soomaalida Itoobiya, balse waxa weftiyada laga reebay Soomaalilaan iyo Soomaalida Kiiniya. Ka dib waxa arrintan ogaaday reer Soomaalilaan dabadeed waxa is-abaabulay siyaasiyiin iyo odayaal si ay uga qaybgalaan shirkaasi Xamar lagu qabanaayo, iyaga oo doonaayey inay ku qanciyaan siyaasiyiinta Soomaaliya in aanay lumin fursadaasi lagu heli karo Soomaaliweyn. Xubnaha weftiga Soomaalilaan ka socday waxa ay ahaayeen, Ismaaciil Naxar, Dubbde Cali-yare, Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye, Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye iyo Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Weftigii Soomaalilaan ka socday waxa markiiba u muuqatay in aanay siyaasyiinta Soomaaliya dan ka lahayn fikirka Soomaaliweyn, sidoo kale waxa ay ka dhego-adaygeen talooyin ay weftiga Soomaalilaan u soo jeediyeen. Cabdilaahi Ciise iyo xisbigii SYL ayaa kulan la yeeshay weftigii qiimaynt Soomaaliweyn, waxa aanay u sheegeen inay doonayaan in dawladnimadooda la siiyo sida Liibiya. Weftigii ka socday Soomaalida Itoobiya oo uu hogaaminaayey Maqtal Aw Daahir waxa ay weftiga u sheegeen inay doonayaan inay ku sii hoos jiraan Boqor Xayle Salaase xukunkiisa. Weftigii ka socday xisbigii Digil iyo Midhifle oo uu hogaaminaayey Cabdiqaadir Soobe waxa ay weftigii u sheegeen inay doonayaan in maamul gaar ah la siiyo, oo Soomaalida kale aanay waxba la qaybsan. Weftigii ka socday Qaramada Midoobay ee ka koobnaa afarta dawladood ayaa dib ugu laabtay magaalada NEW YORK, iyaga oo ku qancay in Soomaaliya iyo Soomaalida Itoobiya aanay haba yaratee doonayn ama aanay dan ka lahayn Soomaaliweyn.

Waxaana halkaasi ku dhammaatay fursadii ugu fiicanayd ee lagu heli kari lahaa Soomaaliweyn. Dhinaca kalena dawladii Ingiriiska waxa ka yaabisay sida aanay Soomaaliya iyo Soomaalida Itoobiya u aaminsanayn Soomaaliweyn. Wixii intaasi ka dambeeyey Ingiriisku wuxuu qaaday tallaabooyin uu kaga horimanaayo danaha Soomaalida Geeska Afrika. Sidoo kale dawladaha reer Galbeedku may ogolayn damaca Soomaaliweyn, iyaga oo ka cabsi qabay inay xasillooni-daro ku abuuri karto Geeska Afrika. Tallaabooyinka Ingiriisku uu kaga horyimid danaha Soomaalida waxa ka mid ahaa markii uu wareejiyey dhulkii” HAWD and RESERVE AREA” una gacan geliyey Boqor Xayle Salaase, dhinaca Soomaalida Kiiniya wuxuu ka qaaday afti, waxa aanay u codeeyeen inay 80% raacaan Soomaali, balse wuxuu raaciyey Kiiniya.

Siyaasiyiinta Soomaaliya may aaminsanayn fikirka Soomaaliweyn, balse riyada Soomaaliweyn waxa ay ka dhiman weyday dhinaca abwaanada iyo dadweynaha kale. Waxa sidoo kale fikirka Soomaaliweyn aaminsanaa shacabka ku nool Soomaalilaan iyo Soomaalida ku nool Kiiniya. Dareenka Soomaaliweyn wuxuu dhibaato weyn gaadhsiiyey Soomaalida ku nool Kiiniya iyo Soomaalida ku nool Itoobiya, oo dawladahoodu saareen cadaadis xoogan, waxa aanay dagaalllo dhex mari jireen laba jabhadood oo ka kala tirsanaa Soomaalid Itoobiya iyo Soomaalida Kiiniya iyo dawladaha Kiiniya iyo Itoobiya. Dhinaca dawladaha Afrikaankana way ka soo horjeedeen fikirka Soomaaliweyn, iyaga oo aaminsanaa haddii la taabto xuduudihii gumeysigu ka tegay inay keeni karto in Afrika iksu dhexyaaco. Madaxweynihii Tansaaniya ee wakhtigaasi oo la odhan jiray Julius Nyerere ayaa shirkii ururka Midowga Afrika ee lagu qabtay Qaahira 1964-kii ku meel-mariyey qodobka ah in xuduudihii gumeysigu ka tegay ay yihiin lama-taabtaan.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com
Tixraac:
Danjire Xuseen Cali Ducaale” Cawil”…….Raad-Raac Taariikh Soomaaliyeed(2016).