Ururka Suxufiyiinta Somaliland Oo Wariyeyaal U Qabtay Tababar Ku Saabsan Anshaxa Kiisaska Maxkamaddaha

0
449

Ururka Suxufiyiinta Somaliland Oo Wariyeyaal U Qabtay Tababar Ku Saabsan Anshaxa Kiisaska Maxkamaddaha

Hargeysa(Warsugan) Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa shalay Hargeysa ka furay tababar ku saabsan hab dhaqanka dacwadaha maxkamaddaha ka socda ee ka dhanka ah suxufiyiinta iyo kuwa kale ee ay ka qayb galaan. Wariyeyaasha ka qayb galaya tababarka ayaa loo kordhinayaa aqoonta dhinaca shuruucda ee habka dacwadaha loo oogo iyo sida loo joogo qolka dacwaddu ka socoto.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Maxamuud Cabdi Jaamac, ayaa sheegay in loo baahan yahay in suxufiyiintu wax ka ogaadaan hab macaamilka dacwadaha lagu soo oogo ama kuwa xasaasiga ah ee ay ka qayb galayaan. Waxa uu sheegay inay habboon tahay in wariyeyaashu bartaan shuruucda dalka oo ka caawinaysa waxyaabaha mudan in laga waramo iyo kuwa ka caaggan.

“Xeerka saxaafadda Somaliland waxyaabo ayuu u ogol yahay in suxufigu ka warramo, waxyaabo badanna wuu ka hor istaagayaa, tusaale ahaan wuxuu xeerku dhigayaa inaan dacwad ka bilaamatay Maxkamad oo garsoore gudo galay inaan warbaahinta la marin, sidaas awgeed waa in suxufigu iska ilaaliyo baahinta dacwad socota, haddii kale waxaa imanaysa in lagu dacweeyo warka uu ka qoray dacwadda socota,” ayuu yidhi guddoomiye Xuuto.

Isagoo sii hadlaya waxa uu sheegay in garsooreyaasha dacwadaha qaada leeyihiin awoodo sharcigu siiyay oo ay ku maamulaan qolka dacwaddu ka socoto “Waxaa awoodahooda ka mid ah sida; marka maxkamaddaha la soo galayo in ogolaansho lagu soo galo, in ogolaansho lagaga baxo, inaanay dadka dhegaysanaya dacwaddu xaq u lahayn dhaqdhaqaaq iyo wax waxyeelaya degannaanshaha hoolka dacwadda lagu qaadayo oo qofku suxufi ha ahaato ama qof kale uu ciqaab ku mudan karo,” ayuu yidhi Mr Xuuto.

Waxa uu sheegay in baahida tababarkan keentay ay ka mid tahay in dacwadaha qaar caqabad ku noqdaan dadka dhegaysanaya ama kuwa lagu qaadayo.Waxa kale oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in wariyeyaashu ka qayb gali karaan dacwadaha muhiimka u ah in wax laga ogaado “Waxaa loo baahan yahay inaynu baranno dariiqii loo marayay dacwaddaha xasaasiga ah si aynu u dhegaysanno maadaama loo baahan yahay inaynu xogogaal u noqono.Waxa dhacda in jidadka la xidho markaa waa inaynu naqaan sida loo codsado ka qayb galka dacwaddaasi,” ayuu yidhi Mudane Xuuto.

Xigasho Wargeyska Warsugan
warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office