Mourinho Oo Jawaab Cad Siiyay Jamaahiirta Man United Ee Doonayay In Michael Carrick Uu Shaxdiisa Ku Soo Bilaabo: ‘Shan Sano Kadib Xataa Messi Ayaa Noqon Doona 34 SanoJir Oo Aynu Dhamaanteen U Ooyi doonaa’

0
352

Tababaraha Manchester United ee Jose Mourinho ayaa sameeyay isbarbar dhig aan hore looga baran, wuxuuna jawaab uga dhigayay jamaahiirta kooxdiisa ee ka dalbanayy in Michael Carrick uu shaxdiisa ku soo bilaabo isla markaana uu badal uga dhigo  Marouane Fellaini. Mourinho ayaa jamaahiirta kooxdiisa u sheegay in Carrick uu ku dhaw yahay waqtigii uu ciyaaraha ka fadhiisan lahaa.Jose Mourinho sheegay in muddo shan sano kadib ah uu Lionel Messi noqon doono 34 sano jir isla markaana ay dadka oo dhami ka ooyi doonaan in Messi uu noqday 34 sano jir, waxa uu sidoo kale sheegay in Carrick aanu ka filan karin waxa uu ka filanayo Rashford iyo Herrera, sida oo si cad jamaahiirta Red Devils ugu qeexaya in Carrick uu waqtigiisii soo dhamaaday.Michael Carrick ayaa ciyaaray kulankii Manchester Derby ee Leaque Cupka laakiin Mourinho ayaa doonaya in uu s fiican u maamulo xaalada Carrick oo uu sheegay in aanu ciyaari karin kulamo badan oo xidhiidh ah, balse Mourinho ayaa qiray in ay wax adag noqon doonto in la helo badalka Carrick.-*Jose Mourinho ayaa yidhi: “Shan sanadood kadib xataa Messi ayaa noqon doona 34 sano jir isla markaana dhamaanteen waynu u ooyi doonaa. In aad ahaato 25 sano jir waa wax isla markaana in aad noqoto 35 sano jir waa wax kale, laakiin waxa aan sheegi karo aya ah in Carrick uu yahay mid khaas ah oo ay adag tahay in badalkiisa la helaa”.Mourinho oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Anigu Carrick kama filan karo waxa aan ka filanayo Marcus Rashford ama Ander Herrera iyo in uu ciyaaro afar ama shan kulan oo xidhiidh ah, laakiin marka uu garoonka ku jiro waa mid aad muhiim u ah, waxa uu ciyaartoyda kale siiyaa xoriyada maskaxeed ee ay u baahan yihiin”.