;M/weyne Siilaanyo oo Kulan Yaableh La qaatay R/wasaraha itoobiya & Wixii Lagu Soo yiri

0
368

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa safar ugu amba baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxa uu halkaas kula kulmay Ra’ysal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, iyadoo safarkaasi madaxweynaha uu ku weheliyay guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Ra’ysal Wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweyne Siilaanyo ay ka wadahadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen amniga labada dhinac, iyadoo waqtigan ay dalka Ethiopia ka socdaan mudaharaadyo ballaaran oo u dhexeeya dowladda iyo qawmiyadaha Ethiopia qaarkood oo ay horkacayso qowmiyadda Oromada.
Inkasta oo aaney jirin war faahfaahsan oo ka soo baxay safarka madaxweyne Siilaanyo ayaa hadana dadka siyaasadda falanqeeyaa waxay  ku doodaya qaarkood ay ku doodayaan in safarka madaxweyne Siilaanyo ulajeedadiisa ugu weyni tahay sidii dalka Ethiopia ay aragtideeda uga dhiiban lahayd doorashada madaxweynenimo ee Somaliland.
Ethiopia ayaa in badan lagu celceliyaa iney saameyn siyaasadeed  ku leedahay Somaliland, iyadoo Faysal Cali Wareebe oo goor sii horreysay arrintan ka dareen celinayay uu sheegay in Somaliland aan Ethiopia laga maamulin.