Neymar oo seegi doona kulanka Osasuna (Ogoow sababta)

0
354

Laacibka kooxda Barcelona ee Neymar ayaa la xaqiijiyay inuu ka maqnaan doono kulanka kooxdiisu ay u safri doonto kooxda Osasuna isbuuca dambe.

Neymar ayaa lootaagay jaale kulanka haatan kooxdiisu ay laciyaarayso kooxda Real Madrid, jaalahaas ayaana ah kiisii 5-aad ee uu qaatay xiliciyaareed kan.

Xiddiga reer Brazil ayaa qalad ku galay daafaca reer Spain ee Dani Carvajal daqiiqadii 28-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta, ganaaxaas ayuuna ku seegi doonaa kulanka xiga ee Osasuna.Barcelona ayaa haatan ku hogaaminaysa ciyaarta 1-0, waxaana u dhaliyay weerar yahanka reer Uruguay ee Luis Suarez.