Maxamed Biixi Yoonis “Muuse Waxaan odhan lahaa ‘Marka Aqalkaagu Quraarad Yahay Dadka Lama Shiido.”

0
738

Maxamed Biixi Yoonis “Muuse Waxaan odhan lahaa ‘Marka Aqalkaagu Quraarad Yahay Dadka Lama Shiido.”

Hargeysa(Warsugan) Maxamed Biixi Yoonis, wasiirkii arrimaha dibada Xukumadda Siilaanyo, haddana ka tirsan xisbiga Waddani ayaa la waydiiyay halka uu ku dambeeyay hankiisii Madaxweyne, waxaanu sheegay inuu bulshadiisa u shaqaynayo inta uu helayo fursad uu madaxweyne ugu tartamo. Sidoo kale wuxuu farriin u diray Muuse Biixi Cabdi musharraxa Kulmiye oo ay ku kala irdhoobeen loolankii musharraxnimada ee Kulmiye.

Mudane Maxamed Biixi oo shalay u warramayay wariye Badri Koosaar oo ka tirsan telefishanka Star, ayaa ka jawaabay inuu ka tanaasulay hankiisii madaxweyne “Waa run oo waxaan rabay inaan waddanka madaxweyne ka noqdo laakiin, ujeedkayga ugu weyni ma ahayn inaan madaxweyne uun ku joogo ee waa inaan waddankayga u adeego oo wax ku soo celiyo dalkan aan u dhashay. Xisbiga Waddani waxa aan hadda u joogaa, waa ka kaliya ee mabaadiidayda ay is waafaqeen ee aanu ka heshiinay,” ayuu yidhi mudane Maxamed Biixi.

Xilligan ayaa Somaliland laga dareemayaa in hannaan qabiilaysan siyaasiyiinta loo kala jiito, islamarkaana ay asxaabta ku faaftay qabyaaladdu.Maxamed Biixi ayaa la waydiiyay in beeshiisu kala hadashay inuu dhiso Muuse Biixi oo ay isku hayb yihiin “Salaaddiin iyo Odayaal ii yimid ma jiraan, qofka bani’aadamka ahina xor buu u yahay meesha uu gelayo. Waxyaabaha ugu waaweyn ee aanu xisbigaa ugu biirnay waa inaanu qabyaaladda la dagaallanno, inaan dadku qabyaalad isku raacin, ee mabaa’dii iyo barmaamij iyo aqoon la isku raaco,” Maxamed Biixi ayaa yidhi.

Waxa kale oo uu sheegay inaan loo baahnayn qabyaalad dhex gasha xisbiyada Qaranka iyo guud ahaan bulshada dhexdeeda “Maaha in hebel baanu isku reer nahay la isku raaco.Haddii hebelka aanu isku reerka nahay ama inankaygu aanu waxba kala wadi karayn dee raaci maayo.Dalka waxaa baabi’iyay qabyaaladdaa foosha xun ee meel walba lagaga dhawaaqayo.Waddani laftiisa ma ogolin in qabyaaladi ka dhex socoto, Kulmiye-na waxaan kula talinayaa inay qabyaaladda ka waantoobaan oo iska dhaafaan tollaayayda,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Ugu dambeyn Maxamed Biixi waxa uu farriin kooban u diray musharraxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu kula taliyay inaanay dhalliilin xisbiyada kale oo isagoo farriintiisa ku koobay odhaah gaaban “ Wallaahi Muuse waa nin aanu saaxiibo nahay oo aanu si naqaanno, nin cay halkan uga dirayana ma ihi laakiin, Muuse waxaan kula dardaarmayaa ‘Marka aqalkaagu quraarad ka dhisan yahay dadka lama shiido’ markaa taas ka waantow ayaan ku leeyahay,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Xigasho Wargeyska Warsugan