War Deg Deg Ah:Madaxweyne Trump oo Aqalka Cad Ku Qaabilay Hogaamiyihii Ugu Horeeyey Ee Ajnabi ah+ Sawirro

0
459

Ra’iisal wasaaraha Britain Theresa May ayaa noqotay hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ajnebi ah oo uu la kulmo Madaxweyne Trump tan iyo markii xilka loo dhaariyay xilkaas. Labada Hogaamiye ayaa ku yeeshay aqalka cad kulan waxyaabo badan looga hadlay, waxaana kulankooda uu ku soo beegmay xili dalka Maraykanka ay ka aloosan tahay xiisad ka dhalatay amar uu saxiixay Trump oo dalkaas looga mamnuucay iney galaan dadka ka soo jeeda todoba dal oo islaam ah.

Theresa May ayaa lagu dhaliilay inay diiday in ay cambaareyso go’aanka Trump, balse goor dambe ayey sheegtay in aysan taageersanayn go’aanka madaxweyne Trump uu dhawaan ku gaaray in uu dalka si ku meelgaar ah uga mamnuuco muhaajiriinta iyo dadka ka toddobo waddan oo Muslimiin ah.

Afhayeen u hadlay May ayaa sheegay in tallaabada Trump aysan ahayn mid Britain ay ku dayan doonto oo ay qaadeyso.

Qaramada Midoobeey ayaa ugu baaqday Trump in uu sii wado soo dhoweynta qaxootiga, iyada oo aan la eegeyn jinsiyaddooda, dalka ay ka soo jeedaan iyo diintooda.

Go’aanka madaxweyne Donald Trump uu ku hakiyay dadka ka safraya toddobo dal oo Muslimiinta ay u badan yihiin ayaa waxaa cambaareeyay ururrada xuquuqda aadanaha u dooda ee daafaha caalamka ku nool.