Madaxweynaha oo Wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida Aabihii Siicid Axmed Guuleed oo Dlaka Uk ku geeriyooday Saaka

0
301

Madaxweynaha oo Wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida Aabihii Siicid Axmed Guuleed oo Dlaka Uk ku geeriyooday Saaka

TACSI MADAXWEYNE-29/01/2017
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Siciid Axmed Guuleed oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 29/01/2017, waddanka Ingiriiska, waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geerida Marxuumka Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya, Amb Cabdifataax Siciid Axmed oo uu aabihii ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.