Maxaan kala kulmay qaadashadii talaalka COVID-19?

0
790

Maxaan kala kulmay qaadashadii talaalka COVID-19?

Asxaab badan, qaraabo iyo dhaqaatiir badan ayaa iso weydiiyay waxa an kala kulmay talaalkii aan qaatay.

Waxaan maalintii arbacada ahayd (17/03/2021) isbitaalka Dr. Sumait Hospitals ee jamacada SIMAD University ku qaatay talaalka #AstraZeneca oo ay keentay wasaarada Caafimaad dalka iyo WHO.
Tan arbacadii maxaan la kulmay?
1) Subaxdii Khamista ayan isku arkay jir xanuun yar ( myalgia).
2) Galabti Khamista ila habeenkii waxaan dareemayay qandho aan aad u xooganeyn (fever) dhowr ayan qaatay kaniini Paracetamol (sawirka aan dhididayo wa qandho jabinta kadib).
3) Waxaan xanuun yar ka dareemayay garabka oo ah halkii talaalka la iiga siiyay.
4) Manta waxan iska qaaday baaritaan la xiriira xinjirowga dhiigeyga (wuxuu kamid ahaa dhib talaalku keeni karo oo dadku aad u hadal hayeen). Baaritaankeyga caadi ayuu ahaa sida laga rabo qofka aan wax cudur ah ka qabin sida aad ku arki kartaan laba sawir ee dambe ee aan idinla waxaagay.
Astaamaha aan isku arkay waa astaamo laga rajeynayo ee ku dhici kara qofka qaata talaalka mana ahayn wax ka baxsan.
Dadka dhalinyarada ah sida aniga oo kale iyo dadka xanuun COVID-19 horey ugu soo dhacay waxay yeelan karan astaamo ka badan sida waaweyn iyo kuwa uusan cudurku horey ugu dhicin.

Alxamdullahi Allah waa ii ya diray, waxan ka barya caafimaad iyo dhamaan ummada inu caafimaad ku siiyo.

Talo: qaado talaalka inshaAllah, Allah wax dhib ah kuma tusayo inshaAllah.

Fiiro-gaar: Kala tasho dhaqtarkaaga hadii aad suaalo gaar ah ama xanuun gaar ah leedahay. Wax dhib ah laguma oga talaalka inta ilaa hada laga ogyahay.
Waxad kaloo ogaataa dad badan oo asxaabta Iyo dhaatirta ah oo iyaguna qaatay ineysan wax astaan ah isku arkin.
Waxan rajeynaya in aan ka jawaabay suaalo dadka qaar iso weydiinayeen.

Wabillahi towfiq

Mahadsanid walalyaal

Dr Najib Isse Dirie
MD, Ph.D. Urologist
Dean, Faculty of Medicine and Health Sciences
SIMAD University

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here