Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Shahaado Sharafyo Ku Maamuusay Aas-aasaha Ahna Gudoomiyaha Saryan Museum Iyo Dr Sacdiya Mire Oo Ah gabadh aqoonyahanad ah oo ku taqasustay baadhista waxyaabihii hore ee qadiimiga

0
432

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Shahaado Sharafyo Ku Maamuusay Aas-aasaha Ahna Gudoomiyaha Saryan Museum Iyo Dr Sacdiya Mire Oo Ah gabadh aqoonyahanad ah oo ku taqasustay baadhista waxyaabihii hore ee qadiimiga

Hargeysa-10-08-2021-(WMG)-Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) oo maanta booqasho ku tegay Xarunta Saryan Museum oo ah goob lagu keydiyo taariikhda qadiimiga ah ee dalkani soo maray, ayaa shahaado Sharafyo ku maamuusay aas-aasaha maxadkaasi Saryan, ahna gudoomiyaha xaruntaaasi Mujaahid Siciid Shukri Xuseen iyo Dr Sacdiya Mire ah gabadh aqoonyahanad ah oo ku taqasustay baadhista waxyaabihii hore ee qadiimiga ah.

Labadan masuul ee uu gudoomiyuhu shahaadooyinka gudoonsiiyey ayaa ah laba shaqsi oo markii hore ka soo shaqeeyey caalamka balse markii danbe u soo guryo noqday sidii ay qayb uga noqon lahaayeen horumarka balaadhan ee dalka ka socda iyagoo go’aan saday inay aqoontooda uga faa’iideeyeen jiilasha soo kacaya iyo kuwa wakhtigan jooga ee aan wax badan kala socon taariikhihii dalkani soo maray.

Gudoomiye Faysal oo hoggaaminayey masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah xisbigiisa ayaa wakhti ku qaatay Saryan Muesum, waxaana halkaasi sharaxaado ku siiyey Mujaahid Sicidii Shukri iyo Dr Sacdiya Mire oo ah gabadh aqoonyahanad ah oo ku taqasustay baadhista waxyaabihii hore ee qadiimiga ahaa, ama taariikihii hore ee dugoobay oo iyadu ka mid ah shaqsiyaadka fara-ku tiriska ah ee bartay cilmigan, wakhtigana dalka ugu soo noqotay inay gacan weyn ka geysato ururinta xogaha muhiimka ah ee la xidhiidha taariikhihii hore, waxaanay gudoomiyaha mid mid u dul geeyeen asadka ugu badan ee halkaasi sudhan ee laga tixraaci karo sooyaalka taariikheed ee dalkani Jamhuuriyadda Somaliland uu leeyahay taas oo uu wakhti iyo maalba geliyey mujaahid Siciid Shukri Xuseen sidii loo soo ururin lahaa loona xafidi lahaa, Waxaanu Eng Faysal Cali Waraabe ku hambalyeeyey mujaahid Siciid Shukri dedaalka uu geliyey goobtan, waxaanu ku dhiirigeliyey inuu halkaasi ka sii wado oo aanu ka daalin tabarucaadka uu dalkiisa waxa ugu soo kordhinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here