Abaal Marin Lagu Maamuusay Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamuud Jaamac (Aar) Xildhibaanka Ugu Yar Golaha Deegaanka Burco

0
674

Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamuud Jaamac (Aar) oo kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa la gudoonsiiyey Abaal marin uu ku guulaystay sanadkii tegay ee 2015 isagoo kala mid ahaa boqolaal oo habeenkii sabtida xaflad lagu gudoonsiinaayey abaal mariyo loogu qabtay Hotel Green Plaza ee Caasimada Hargeysa.

Xildhibaan aar ayaa ah Xildhibaanka ugu da’ada yar 21-ka Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Burco, sidoo kale waxaa uu ka mid yahay Xildhibaanada faro ku tiriskaa ee loo aaneeyo Aqoonta marka la fiiriyo Golaha Deegaanka Burco uuna yahay Xildhibaanka keiya ee ugu aqoonyahan san.

Cabdirisaaq Aar wuxuu ka mid yahay dhalinyarada ee burco ee kusoo baxay doorashadii golayaasha deedaanka ee sanadkii 2012 isagoo islmarkaana uu kusoo biiray golaha deegaanka burco isagoo noqday nasiibkuna u siiyey inuu noqdo Xildhibaankii ugu da,ada yaraa golahaasi, hore wuxuu xildhibaanku uga mid ahaa dhalinyaradii firin fircoonayd ee Gobolka Togdheer sida weyn uga dhex muuqatay ka dib markii uu xilka qabtayna wuxu lasoo baxay karti iyo firin fircooni dheeraada.

Xildhibaanku sidoo kale waa mid ka mida foolaadka iyo haldoorka dhailnyarada Somaliland gaar ahaan kuwa gobolka togdheer waana shikhsiyaadka ma jiirto looguna jecelyahay Degamda iyo burco, mudo dhawr sano ah oo uu ka mid ahaa golaha deegaanka burco wuxuu muujiyey dedaal iyo karti uu kaga dhex soocmay xildhibaanda kale ee deegaanka burco.