Abwaan Laab-Saalax & Daah-Furka Silsilad-Suugaaneed Jacayl Ah

0
1902

Abwaan Laab-Saalax & Daah-Furka Silsilad-Suugaaneed Jacayl Ah.
Abwaan Xasan Dhuxul (Laab-Saalax) oo ka mida Maansyahannada da’da yar ee haatan caanka ka ah gayiga Somalida ayaa soo bandhigay Maanso cusub oo magaceeda la yidhaa Xiiso Jacayl oo uu sheegay inay daah-fur u tahay Silsilad-Suugaaneed Jacayl ah.
Xasan-Dhuxul-735×400
Abwaan Laab-salaax ayaa da’yarta Soomaalida gaar ahaan inta curisa Suugaanta Rag iyo Dumar-ba ku war-geliyey inay si kasoo qayb-galaan silsiladdaasi Jacaylka ah. Waxaanu uu silsiladdan bud-dhig uga dhigay Maasadan cusub oo uu ku bilaabay sidan:
Dayartiyo barbaartiyo
Kuwa diifta caashaqa
Anfacaad u daaye
Deebaaq dhadhaadhiyo
Dac iyo milan ka leefee
Daranyada ka miiqmoow
Xalay galin danbeedkii
Jacaylkoo dun bilicliyo
Xidhan duubkii sharaftan
dacwad adag ku ooge
Waxan daacad ugu idhi
Ma damqadee jacaylow
Daren kulul ayaad tahay
Xanuun daran ayaad tahay
Da yartaad u daran tahay
Mana lahid kal dabacdiyo
Naxariis la diirsado
Dhibanahaad la daris tahay
Dhakharada xanuunkiyo
Boogaha damqanayaad
Ugu sii dartaa kaar
Doc wareenka damaqle
Hanad iyo.hal dooriyo
Hablaha lagu il doogsado
Ada gabal dumiyo
Diihaal ku guud fura
Eee bahalow jacaylow
side laga dabaasha………….?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here